Home Blog Page 72

Ciidamada Dowlada iyo Jubaland oo isla fuliyay Howlgal guuleystay+SAWIRRO

Ciidanka Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubaland ayaa si guul leh u fuliyay howlgal ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab, kaas oo laga sameeyay waqooyiga gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida dalka ayaa lagu burburiyay xarumo ay kooxaha nabad-diidka ah ku sugnaayeen, waxaana la gaarsiiyay jab culus.

Saraakiisha ciidanka kumaandooska XDS ayaa sheegay inay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa khawaarijta oo ay kamidyihiin goob ay shacabka kaga qaadayeen baada ay ku sheegeen sakaatul-fidri.May be an image of 7 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and rhinocerosMay be an image of 4 peopleMay be an image of campsite and fire

XOGTA: Is bar bar dhiga Ra’iisulwasaare Xamsa ee Alshabaab iyo Gumeystihii Somalia

NUMBER 50 (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa is bar bar dhigay ama isla soo qaaday inay isku mid yihiin gaaladii Somalia soo gumeysatayku dhawaad boqol sano ka hor iyo Kooxda Alshabaab ee hada jirta kuwaasoo sida uu sheegay dhibaato badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa guud ahaan kooxdaasi ku sheegay kaliya waxa ay ka hadlaan ay tahay dil uun tusaale isagoo u soo qaatay waligood intii ay jireen kama hadlin wax horumar ah waxbarasho ama shaqo ah ama nuuc kasta oo bulshada dan u ah.

“kaliya waxay ka hadlaan kaliya ku dili maaye ila shaqeey”ayuu yiri Xamsa Cabdi-Barre oo soo hadal qaaday gabayo badan oo Sayid Maxamed Cabdulla Xasan uu jeediyay waagii uu gumeysiga gaalada la dagaali jirey.

Haddaba muuqaalkaan ka daawo faah-faahinta hadalka Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi-Barre oo Ciidamo kula hadlayay Gobolka Shabeelaha hoose munaasabadii ciidul fidriga:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Bayaan ka soo baxay Jab-hada ONLF

May be an image of 1 personMasuuliyiinta Jabhada ONLF ee Ogaadeenya ayaa munaasabada Ciidul Fidri darteed waxay soo saareen bayaan siyaasadeed kaasoo ay kaga hadlayaan xaalada xiligaan ay ku sugan yihiin shacabka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Bayaanka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciiddan waxay inagu soo beegantay iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee Ogadenia wali la daalaa dhacayaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin gumaysi siloon, cadaadis siyaasadeed, iyo takoor nidaamsan.”
“Dadkeenu muddo dheer ayuu u adkeysanayey dulmi joogto ah, isagoo muujiyay dulqaad, midnimo, adkaysi iyo jacayl qotodheer oo uu u qabo xorriyadda.”
“Ma iloobayyno abid shuhadadii naftooda huray xoraynta dalkooda iyo dadkooda, dhaawacyada, iyo aqoonta. Waan idin xasuusannahay, waana ku howlan nahay sidii xaqiina loo soo dhicin lahaa , wixii dhibkaas idiin soo gaadhayna looga midho dhalin laha.”
“Shacabkeenu wuxuu qarnigii u halgamayay xorriyaddiisa. Maanta cidna been kuma maaweelin karto, dadkuna si cad ayuu u kala garanayaa gumaysiga iyo xorriyadda. Beenihii hore ee dastuur-beenaad, ismaamul, doorashooyin magac u yaal ah, dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka waan ilaalina ee ay Itoobiya ku andacoon jirtay, way soo afjarmeen.”

Kumaandooska Danab oo maanta weerar culus ku qaaday Alshabaabka heysta Masaaajid Cali-Guduud

DAYNIILE.COM (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab ayaa maanta weerar xooggan ku qaaday Alshabaabka heysta Degmada Masaajid Cali-Guduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaana socda dagaal aad u qaraar.

Wararka horu dhaca ah ayaa sheegaya in durba Alshabaab laga riixay inta badan Degmadaasi balse ay wali ku harsan yihiin qeybo ka mida Degmada Masaajid Cali Guduud oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka qoteen dhufeysyo waaweyn.

Ciidamada Danab oo qaaday weerar qorsheysan ayaa la soo sheegayaa inay ka go’an tahay inay gacanta Dowlada Somalia ku soo celiyaan Degmaaasi oo hada la isku heysto gacan ku heynteeda inkastoo xabadu socoto.

Faah-faahino lagama hayo khasaaraha ilaa iminka kala gaaray ciidamada kumaandooska Danab oo leh tababar aad u sareeya iyo dagaal-yahanada Kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Shariif, Kheyre iyo CCC oo soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xassan.

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sh.Axmed,Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  iyo Siyaasiga Xildhibaan C/raxman C/shukur ayaa maanta wada-jir usoo saaray warsaxafadeed ay ku soo dhaweynayaan Gogosha Madaxweyne Xassan uu u fidiyay siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Warsaxaafadeedka Siyaasiyiintaan ay ku wada saxiixan yihiin ayaa sidan u qornaa:-

May be an image of text

Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay gogosha ay fidisay Dowlada Somalia

May be an image of 4 people and textKISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay munaasabada ciidul fidriga ayaa soo dhaweeyay gogosha ay fidisay Dowlada Somalia gaar ahaana Madaxweynaha Somalia ee ku aadan inay wada-hadal la furayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

Axmed Madoobe ayaa xusay talaabadaani uu qaaday madaxweyne Xassan looga wada hadli karo si looga gudbo khilaafka ka jira Soomaalida kala aragtida duwan.

Axmed Madoobe wuxuu carabka ku dhuftay in talaabadaani tahay fursad lagu xalin karo xal u helidda caqabadaha ka taagan dalka.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Alshabab ayuu ugu baaqay guud ahaan dhinacyada siyaasada dalka inay tabartooda isugu geeyaan sidii Alshabaab looga adkaan lahaa.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shacabka Kismaayo kula tukaday Madaxtooyada Jubaland ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida ciidul fidriga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people

Madaxweyne Xassan oo salaadii ciida shacabka kula ciiday Masjidka Isbahaysiga Islaamka+SAWIRRO

May be an image of 3 people, dais and textMuqdisho, Maarso 30, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda.
Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 11 people

Ra’iisulwasaaraha oo saaka salaada ciida la tukaday ciidamada iyo shacabka reer Nambar 50+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada deegaanka uga mahad celiyey sida ay ugu istaageen in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda waxaana uu ugu baaqay inay garab istaagaan halganka Khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolka Shabeellada hoose.May be an image of 5 people and rhinocerosMay be an image of one or more peopleMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and treeMay be an image of 13 peopleMay be an image of 3 people

Maxay diblomaasi ahaan ka dhigantahay warqadda Xasan Sheekh ‘u diray’ Trump, Maxaase ka dhalankara?

=XIGASHO BBC SOMALI=Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Soomaaliya

Sida ay aragtay jimcihii wakaaalada wararka ee Reuters, dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Maraykanka ogolaansho gaara oo ah maamulida saldhigyo cirka ag iyo dekaddo sida lagu qoray warqad uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray dhigiisa Maraykanka Donald Trump.

Warqada oo la diray 16-kii bishan Maarso oo uu caddeeyey diblumaasi heer gobol ah oo arrintan wax ka ogaa, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in hantidaas ay ka mid yihiin saldhigga ciidamada cirka ee Balidoogle iyo sidoo kale dekeddaha Berbera iyo Boosaaso. Sida ay BBC-da ka soo xigatay Reuters.

Balidoogle ayaa qiyaastii 90-km (55 mayl) dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho,

Dalabkan ayaa Mareykanka siin kara joogitaan adag oo dhanka ciidamada ah ee gobolka Geeska Afrika isagoo u muuqda inuu ka hortagayo khatarta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Hantidan ma guurtada ah ee istaraatiiig ah ayaa siinaysa Maraykanka fursad uu ku xoojiyo xiriirkiisa gobolka, iyadoo la hubinayo helitaanka joogtada ah ee milatariga iyo sahayda, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha dibadda inay ka sameystaan joogitaan waddada muhiimka ah ee tan,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

BBC-da oo farriimo u dirtay wasiiradda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo warfaafinta ee xukuumada federalka si ay jawaab ugu hesho warqadan ayeysan u suura gelin inay ka jawaabaan.

Maxay Puntland iyo Somaliland ka yiraahdeen warqada?Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa si adag ugu horyimi qorshan isagoo ku tilmaamay wax an suurtagal ahayn.

“Maxaa wada shaqayn ah?Maraykanku waxa uu ka tanaasulay nidaamkan musuqmaasuqa ah ee la isku oran jiray Soomaaliya, Maraykanku hadda waxa uu diyaar u yahay in uu la macaamilo Somaliland,taas oo dunida tustay in uu yahay dal nabad ah, xasiloon oo dimuquraadi ah,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Maraykanku doqon maaha, way garanayaan cidda ay u baahan yihiin inay wax kala qabtaan marka ay timaado dekedda Berbera,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Tallaabadan ayaa sidoo kale dhalin karta khilaaf hor leh oo u dhaxeeya Hargeysa iyo Muqdisho ka dib markii sanadkii 2024-tii uu khilaaf weyn ka dhashay heshiis Is afgarad ah oo Somaliland la gashay Itoobiya.

Maamulka Puntland oo BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay inaysan hadda ka jawaabayn basle ay ka hadli doonnaan arrintan.

Maxay diplomaasi ahaan ka dhigan tahay warqadan?Danjire Cawad

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa BBC-da u sheega in warqadan ay ka muuqato ” Deg Deg, tabardarni iyo quus uu madaxweynaheenu qabo,”. Wuxuu intaa raaciyey inaanba loo baahnayn in la arko warqadan.

Danjire Cawad ayaa xusay inaysan muuqan in dalabku ka yimi dalka Maraykanka oo ay ahayd inay muuqato doonistooda goobahan iyo in loo maro kanaalo diblomaasiyadeed oo labada dal ah.

“Waraaqda ayaan ka garanaynaa haddii ay jirto, warqadu waxay ku bilaaban lahayd annigoo tixraacaya tixraacyo kulamo hore ama teleefoonkeenii hore tixraac ayey yeelan lahayn marka halkan tixraac kama muuqdo, hadda qofkasta wuxuu doonayaa inuu Trump is jeclaysiiyo” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.

Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan ku caawiya Soomaaliya iyagoo sidoo kale tababara ciidamada Danab ee sida gaarkaa u tababaran.

Madaxweyne Trump ayaa muddo xileedkiisa labaad ee aqalka cad, qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalalka saboolka ah ee dunida.

Maxaa ka dhalan kara?

Inkasto aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin warqadan ay aragtay Reuters, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaliya ayaa qaba inaysan muuqan ilaa hadda waxa Soomaaliya ay ka helayso dhankeeda qorshahan.

Cawad ayaa qaba in warqadan ay ka dhalan karto “inay cod xooggan siiso oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland, oo ay ka faa’iidaysato” ayuu BBC-da u sheegay.

Dowlada Soomaaliya awood ma u leedahay inay heshiiskaas gasho?

“Dalka Soomaaliya, bad, berri iyo hawada sare, waxaa masuuliyad qaanuuni ahi ka saaran tahay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan Dawladda Federaalka oo keli ah ayaa heshiis u geli karta. Qasab ma ahan in ay dawladda dalka oo dhan ka taliso….

“Sharci ahaan heshiis way la geli kartaa dal kale sida Maraykanka isticmaalka hawada, dakadaha iyo gegida dayaaradaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, heshiiskaasna waxa uu noqonayaa mid qaanuun ahaan sax ah,” ayuu yiri Dr Ahmed Ali Khayre oo ah Lataliye Sharci, Bare Jaamacadeed, PhD.

Dekadda Berbera iyo DP WorldDekada Berbera

Dekadda Berbera oo ka mida dekaddaha ugu saamaynta badan Bariga Afrika waxaa maamula Jamhuuriyada Iskeeda Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo la fahansan yahay in dowladda Federalka ee Soomaaliya aysan wax saamayn ah ku lahayn.

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland wuxuu soo bilaabmay 2 016-kii, xilligaas oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen taariikhda markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto, 2016-kii.

Heshiiskaas ayaa dhigayey in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskana waxa uu soconayaa muddo 30 sanadood ah.

Dekadda Berbera ayaa ka mida kuwa ugu casrisan ee ku yaalla gobolka ka dib casriyeyn iyo ballaaarinta shirkada DP World.

Dekadda Boosaaso iyo DP WordDekada Bosaaso

Sanad uu ka dib heshiiska Somaliland iyo DP World, maamulka Puntland ayaa sheegay inay heshiis la saxiixdeen shirkada sanadkii 2017-kii, kaas oo dhigayey inay DP World maamulid iyo maalgelin ku samaynayso dekadda Boosaaso muddadda sodonka sano ee soo socoto.

Heshiiskan oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta, lagu sheegay in shirkadaa Imaaraadka fadhigeedu yahay ay ku samaynayo dekadda horumarin, casriyey iyo ballaarin taas oo warsaxaafadeed ay Puntland xilligaas ka soo saartay heshiiskan ku sheegtay in dekedda Boosaaso lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonta qaybta haatan shaqaysa.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan $336 million, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar.

XIGASHO BBC SOMALI

- Advertisement -

news

Murf AI

0
Murf AI: The Ultimate Platform for High-Quality Voiceovers in Multimedia Content In present day day virtual international, content introduction is extra important than ever. Whether...

book store near me

HOT NEWS