Home Blog Page 73

Madaxweynaha Somalia oo maxaabiis badan u fidiyay cafis maalinta ciida darteed

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaliya  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa 114 Maxbuus u fidiyey cafis Madaxweyne munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kuwaasoo ku jirey xabsiga dhexe ee Magaalada Muqisho.

Maxaabiista ayaa dhamaantood laga soo saaray qolalkii ay ku xirnaayeen iyadoo loo sheegay incafis mdaxweyne lagu sii daayay.

Maxaabiista ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxada markii ay hubsadeen in la fasaxay waliba cafis madaxweyne darteed.

Sanad kasta ayaa tira ka mida maxaabiista waxay helaan cafis madaxweyne waxaana loo xusha sida ay u kala danbi yaryihiin madaam aan la cafin karin qof danbi weyn u xiran si sharciga uu u maro.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

DEG DEG: Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday caawa inay berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo Culimada Soomaaliyeed oo caawa yimid xarunta Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa qadadka taleefanka ku wareystay dad badan oo meelo kala duwan ka arkay bisha oo dhalatay.

Magaalooyinka Hargeysa, Caabudwaaq, Beledxaawo iyo Wallaweyn dad kala jooga ayaa culimada u sheegay inay arkeen bishii oo dhalatay, waxaana la dhaariyey dadkaas sheegay inay arkeen bisha sidaas daraadeedna wuxuu ku dhawaaqay inay beri tahay Ciidul fidri malintiisa koowaad.

Wasaarada Difaaca Somalia oo sharaxad ka bixisay dagaaladii iyo howlgaladii ugu dambeeyay.

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay dagaaladii iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada Dowladu ka fuliyeen Gobolada shabeelooyinka.

Afhayeen Sheekh Abukar wuxuu si gaar ah uga hadlay howlgal saraakiil Alshabaab lagu dilay Gobolka Shabeelaha dhexe iyo weerarkii ciidamadii Dowladu dib ugu qabsadeen deegaanada sabiib iyo caanoole.

Hadaba halkaan ka daawo muuqalka Afhayeenka Wasarada Difaaca Xukuumada Somalia:-

DAAWO: Maxkamad la soo taagay Askari NISA ka tirsan oo hore u dilay askari kale

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday Askari ka tirsan Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo hore u dilay askari kale oo isla NISA kala tirsan.

Eedeysanaha gacan ku dhiiglaha ah oo lagu magacaabo Xassan Qabiran ayaa la sheegay inay kaltanka kala horeynta waaridiyaha isku qabteen marxuumka dhiman doona oo lagu magacaabi jirey C/laahi c/qaadir kaasoo lahaa waardiyaha sida askarta kale cadeeyeen balse askari wax dilay uu ku qabsaday i hormari,markaa kadib-na askarta kale ayaa ku xalisay in C/laahi uu u dhaafo Xassan .

Sidoo kale Mar kale oo xiligii qadada la gaaray ayuu hadana eedeysanaha ku kor faradhaqday kabaka marxuumka markii uu dhahay maxaad saas u yeeleydsaana xabad ayuu madaxa kaga dhuftay sida ay marqaatiyayaasha sheegayaan kadibna wuu baxsaday .

29-ka bishii December 2024-kii ayaa la soo qabtay madaama uu baxsaday xiligii uu dilka geytay xili uu ku dhuumaaleysanayay isla magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada taribuunka.

Eedeysane Xasan ayaa inkirey dhamaan eeda dilka ee loo jeediyay xili marqaatiyaal la soo hor istaajiyay maxkamada iyagoona sheegay inuu isagu dilka gaystay.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muqaalka dhageysiga dacwada:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Mareykanka oo duqeyn xooggan ka fuliyay Buuraha Calmiskaad

CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka uu leeyahay ayaa maanta waxay duqeyn xooggan ka fuliyeen dhuka Maamulka Puntland gaar ahaan Toga Miiraale oo ay wali ku danbeyaan kuna xooggan yihiin dagaal-yahanada Daacish.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weerarkaani maanta lagu barbtilmaameedsaday kooxda Daacish xili ay isku urursanayeen toga Miiraale ee buuraha Cal-miskaad Gobolka Bari Somalia madaama ay weeraro joogto ah oo toos ah ay ku hayaan ciidamada daraawiishta Puntland.

Saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan toga Miiraale.

Wali Maamulka Puntland wax faah-faahin ah kama bixin hadii ay jiraan khasaare weyn oo daacish lagu gaarsiiyay duqeymaha  maanta Mareykanku la eegtay daacish-ta Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Real Madrid oo dib u heshay labo xiddig oo muhiim u ah ka hor kulanka Arsenal

XIGASHO:  LAACIB.NET

Real Madrid ayaa laga yaabaa inay dib u hesho laba ka mid ah ciyaartoydeeda dhaawaca uga maqnaa kulanka lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Champions League oo ay la ciyaari doonto Arsenal.

Tababaraha Los Blancos, Carlo Ancelotti, ayaa xaqiijiyay inuu rajeynayo in Dani Ceballos iyo Ferland Mendy ay diyaar u noqon doonaan kulanka ka dhici doona garoonka Emirates.

“Waxaan ku dadaaleynaa inaan dib u helno Ferland Mendy iyo Dani Ceballos ka hor kulanka lugta hore ee Arsenal,” ayuu yiri Ancelotti. “Waxaan isku dayeynaa inaan labadoodaba soo celinno.”

Sidoo kale, Ancelotti wuxuu rajeynayaa in Kylian Mbappe, Antonio Rudiger, iyo Vinicius Jr. ay ka badbaadi doonaan ganaaxyo uga iman kara UEFA.

Ciyaartoydan ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen dhaqan aan habboonayn intii lagu jiray kulankii lugta labaad ee wareega 16-aad ee Champions League oo ay la ciyaareen Atletico Madrid bishan Maarso.

“Waxaan rumeysanahay in wax walba si sax ah u dhaceen, waxaana rajeyneynaa in UEFA ay go’aan gaarto, balse waxaan kalsooni ku qabnaa in wax walba si wanaagsan ku dhammaan doonaan,” ayuu raaciyay Ancelotti.

XIGASHPO LAACIB.NET

Real Madrid Oo Dib U Heshay Labo Xiddig Oo Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Arsenal

SIR FAKATAY: Alexander Arnold Oo Bannaanka Keenay Sababta Ugu Weyn Ee Uu Liverpool Kaga Tagayo

XIGASHO LAACIB.NET

Trent Alexander-Arnold, difaaca garabka midig ee Liverpool, ayaa la filayaa inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid xagaagan, taasoo soo afjaraysa 20 sano oo uu la joogay kooxda Merseyside.

Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in saaxiibtinimada u dhaxaysa Alexander-Arnold iyo Jude Bellingham, oo horey ugu biiray Real Madrid, ay door muhiim ah ka ciyaartay go’aanka difaacaan uu ku gaadhay inuu u wareego caasimadda Spain.

Intaa waxaa dheer, Alexander-Arnold ayaa la sheegay inuu walaac ka muujiyay in tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, uu u baahan doono waqti dheer si uu u dhiso koox tartan la gali karta naadiyada waaweyn, taasoo keentay inuu ka fikiro mustaqbalkiisa.

Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in Alexander-Arnold uu ka welwelsanaa da’da Mohamed Salah, oo 32 jir ah, iyo suurtagalnimada in waxqabadkiisu hoos u dhaco, taasoo saameyn karta awoodda weerarka ee Liverpool mustaqbalka dhow.

Isku soo wada duuboo, go’aanka Alexander-Arnold uu ku gaadhay inuu ku biiro Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin saaxiibtinimada uu la leeyahay Bellingham, shakiga uu ka qabo mustaqbalka Liverpool ee uu hoggaanka u hayo Slot, iyo welwelka uu ka qabo da’da iyo waxqabadka Salah.

XIGASHO LAACIB.NET

SIR FAKATAY: Alexander Arnold Oo Bannaanka Keenay Sababta Ugu Weyn Ee Uu Liverpool Kaga Tagayo

DAAWO: Dowlada oo shaacisay inay dadka xoog ku gelineyso dagaalka Alshabaabka ka dhanka ah

CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Jenaraal Gacma Dulle oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidamada Milatariga Dowlada Somalia ayaa kaga dhawaaqay Gobolka Gal-gaduud barnaamij u eg kii Dowladii kacaanku dadku ugu qafaali jirtay dagaalkii 1977-kii ee Itoobiya lala galay.

Jenaraalka oo ku sugan Magaalada Ceel-dheer ayaa si cad u sheegay intuu sedex walaahiyood ku dhaartay inay dadka deegaanka xoog ku gelin doonan dagaalka hadii aysan iyagu iskood qoryahooda usoo qaadan.

“walaahi Bilaahi Talaahi inaan la iska yeeleyn in Alshabaabna xoolo iyo qoryo la isugu daro inaad Dowladana ka diidaan dagaalka ee qof kasta ha ogaato in meesha joogo aan ugu imaaneyno dagaalkana uu galaayo hadhow la iima sheegin ha dhihina”ayuu yiri Gen Gacma-dulle

hadaba faah-faahinta warka Jenaraalka kaga boqo muuqaalkaani hoose:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dad ka badan Kun-ruux oo ku dhintay Dhul-gariirka ku dhuftay Dalka Myanmar 

MyanmarMANDALAY (DAYNIILE.COM)-Dhimashada dhulgariirkii weynaa ee ku dhuftay Myanmar iyo Thailand ayaa dhaaftay 1,000 qof, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay qodeen burburka dhismooyin soo dumay iyagoo baadi goobaya dad badbaaday.

Ugu yaraan 1,002 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​2,376 qofna waa ay ku dhaawacmeen gobolka Mandalay ee Dalka Myanmar – oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Myanmar, kuna dhow xudunta dhulgariirka – dowladda militariga ee dalkaasi ayaa bayaan ay soo saartay sidaas ku sheegtay Sabtida maanta.

“Waxay u ahayd habeen aad u qurux badan dad badan Waxay doorteen inay seexdaan bannaanka, waxaan ku aragnay iyaga oo jardiinooyin dhigaya joodariyaal bannaanka guryahooda,” ayuu yri Tony Cheng oo ka tirsan Al Jazeera

“Weli waxaa jiray dhulgariir ka dib, dhowr waxaan dareemeynay saaka, ma aysan ahayn kuwa aad u weyn, laakiin waxay ku filan yihiin inay dadka dareensiiyaan raaxo la’aan ku noqoshada dhismayaal la dhisay,” ayuu raaciyay.

Caasimadda Thailand ee Bangkok – oo ku taal 1,000km (620 mayl) xudunta u ah Myanmar – ilaa 10 kale ayaa la xaqiijiyay.

Hawlgallada baadi goobka iyo samatabbixinta ayaa hadda ka socda goobihii ay dhibaatadu ka dhacday sida  ay militariga Myanmar  sheegeen

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM.

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS