Home Blog Page 74

Somaliland “Saciid Dani isagaaba ka yimid Alshabaab, waana mashruuc Somalia ka jira”

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawabay eedeyn dhawaan uga timid dhanka maamulka Puntland taasoo ahayd inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Daacish islamarkaana agtooda laga soo abaabulay..

Wasiirka ayaa iska diiday eedeyntaasi isagoo beeniyay inay wax xiriir ah la leeyihiin kooxahaasi ,wuxuu tilmaamay in xitaa kooxaha burcada badeeda aan laga aqoon dhankooda oo ayna amnigooda si ad ah u sugteen.

“xitaa taariikhda xeebaheena burcad badeed waligood wax kuma afduuban”ayyu yiri isagoo ku faanay inay darajadaasi ku gaareen sida ay amnigooda uga shaqeeyeen.

Dhanka kale wasiirkaan u hadlay Maamulka Somaliland wuxuu caraba ku dhuftay in Madaxweynaha Puntland Saciid Dani uu ka yimid kooxaha argagaxisada islamarkaana markii la soo dooranayay ay iyagu soo maalgashteen.

“Saciid Dani isagaaba ka yimid Alshabaab, waana mashruuc Somalia ka jira qeybna kama nihin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of ‎1 person, slow loris and ‎text that says "‎ILSAN MEDIA 0d0 REs உன്ത 돈 SLNT م_انيرا Somaliland meélna kama soo gasho AS & IS, Puntland canbaarta ku taal yey nala soo doonan, Deni baa ka yimi urur-diimeedyada AS kamid tahay; Argagixisadu waa mashruuc aan laga saari karin Soomaaliya qaybna kama nihin. WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND Axmed-yaasiin Sh.Cali Sh. f0o ILSANMEDIA ILSAH‎"‎‎

Israa’iil oo bilowday inay qariso medadka shacabka ay ku xasuuqeyso Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Toddobaad ka dib markii 14 qof oo jawaabihii ugu horreeyey la waayey, goob-joogayaal ayaa Aljazeera u sheegay in ciidammada Israa’iil ay dileen oo ay meydadkooda ku aaseen baabuurta ambalaasta ee koonfurta magaalada Rafah.

Weerarada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 921 qof 2,054 kalena waa ay ku dhaawacmeen Gaza tan iyo markii Israa’iil ay jebisay xabbad joojintii Xamaas 18-kii March.

Israa’iil ayaa markii ugu horreysay duqeysay Beirut tan iyo markii bishii November ay heshiis xabbad joojin ah la gashay Xisbullah.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa wajahaya gaajo daran iyo nafaqo darro Qaza iyadoo guud ahaan go’doominta Israa’iil ay socoto in ka badan saddex toddobaad, Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,277 Falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 114,095 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza. Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sidoo kale cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMOpen photo

Ciidamada Dowlada oo goor dhaw dib ula wareegay Sabiib iyo Caanoole

AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Sida uu goor dhaw cadeeyay afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia Sjheekh Abukar Ciidamada Dowlada ayaa goor dhaw dagaal kula wareegay deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in khasaare badan Alshabaab ay ku gaarsiiyeen dagaalka ay saaka dib ugu soo ceshadeen deegaanada Sabiib iyo Caanoole.

“ciidamada Dowlada waxay fuliyeen nadiifin iyo dib ula wareegid deegaanada Sabiid iyo Caanoole”ayuu yiri Afhayeenka.

Warka masuulkaani ayaa ku soo aadeya xili saaka Ciidamada Dowalda cir iyo dhul ka weerareen deegaanada Caanoole iyo Sabiid oo maalmo ka hor Alshabaab qabsadeen kaasoo saacado socday ugu dambeyna ciidamada Dowlada u suurageliyay inay dib ula wareegaan deegaanadaasi oo Dowlada muhiim u ah madaama laga waardiyeeyo amniga caasimada Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaa la soo sheegayaa inay u ruqaansadeen dhanka Bariire iyo Owdheegle oo iyagana maalmihii ugu dambeeyay ay Alshabaab la wareegeen,warar ayaa tilmaamaya in mar hadii sabiib iyo caanoole laga saaray Alshabaab ay sahlanaan doonto inay laga saaro Bariire iyo Owdheegle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Dagaalka cusub ee ka dhex qarxay Maamulka Somaliland iyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

No description available.HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Dagaal siyaasadeed  cusub ayaa mar kale ka dhex qarxay Mamulka waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland iyo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud kadib markii dhawaan ay soo shaac baxday wararka sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu Mareykanka siiyay Dekadaha Berbera iyo Boosaaso si uu uga hortago in Trump uu aqoonsado Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa si degdeg ah uga jawaabay talaabada uu qaaday Madaxweynaha Somalia waxayna ku dhawaaqeen inuusan marnaba Madaxweynaha Somalia hor istaagi karib aqoosni uu helo Maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliand waxay sheegeen in Dowlada Somalia tahay mid fashilantay islamarkaana aan xukumin Dekadaha ay leeyihiin reer Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi mar ay ka hadleen waxay  xuseen in Somaliland ay tahay dal Xor ah oo dunida la macaamila .
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland oo isna si adag uga hadlay ayaa sheegay in Dekada Ber-bera ay aqoonsi u goyneyso Somaliland madaama uusan isagu maanta xukumin berbera.
“Berberi, Somaliland Aqoonsi ayey u goynaysaa adigu Xasan Sheekhow Mitirkaad xukumaysay ayaa lagaa haystaa, waana la dhaafay wakhtigii qiimaha Berbera lagu dhisi jiray dhulka kale ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Saraakiil Alshabaab ka tirsanaa oo lagu diley duleedka Aadan Yabaal

AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in macawisleyda Degmada Aadan Yabaal inay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Howlgalkaan oo aan diyaarad lagu fulin ayay macawisleydu waxay wadada ugu galeen saraakiishaan iyo ciidamo la socday kadib markii ay heleen xogta socdaalka kooxdaasi ee duleedka Degmada Aadan Yabaal.

Wararku waxay tilmaamayaan inay labada sarkaal iyo maleeshiyaadka la socday ay ku socdaalayeen mootooyinka labada lugood leh ee loo yaqaan Fekon-ta waxaana jidka u galay macawisleyda reer Aadan Yabaal kuwaasoo isla goobta ku khaarajiyay labadaasi sarkaal.

Saraakiisha Alshabaab laga dilay waxaa ku jira mid caan ka ah Gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu magacaabo Aweys Burqaate,waxayna Macawisleydu Degmada Aadan Yabaal geeyeen mootadii sarkaalkaasi watay iyo hubkii labada sarkaal wateen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka ee Afrika (SSATP).

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka ee Afrika (SSATP).
Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay casriyeyso Tiknology-yadda Gaadiidkeeda, Duulista Rayidka iyo xoojinta Ganacsiga Gobolka.
Maalin-nimadii Shalay, ayaa Magaalada Cotonou ee Caasimada Dalka Benin looga dhawaaqay Ku biiritaanka Rasmiga ah ee Soomaaliya iyo kamid noqoshadeeda Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika (SSATP) iyada oo Munaasabaddaasi uu khhudbad ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Bashiir Macalin Cali Xasan oo hogaaminaya Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka.
Agaasimaha Guud ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’antahay Horumrinta Teknoolojiyadda Gaadiidka, Balaarinta iyo Casriyeenta Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Dalka, Sare u qaadista nidaamka Duulista Rayidka iyo xoojinta isku xirka gobolka iyo skaashiga Afrika.
Waxaa sidoo kale Khudbaddiisa, ugu mahadceliyay hoggaanka SSATP iyo dalalka xubnaha ka ah, wuxuuna ku adkeeyay xoojinta iskaashiga Dalalka Africa si loo helo xal waara oo waxtar u leh gaadiidka.
Kamid noqoshada Soomaaliya ee SSATP waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya iyo dadaallada isku xirka gobolka, gaar ahaan Urur-goboleedka Bariga Afrika (EAC) iyo Suuqa Xorta ah ee Ganacsiga Afrika (AfCFTA).
Waxay tallaabadan Soomaaliya ka dhigi doontaa xarun ganacsi oo muhiim ah, taasoo fududeynaysa isku socodka badeecadaha iyo dadka, isla markaana xoojinaysa xiriirka dhaqaale ee gobolka.
Hoggaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in iyada oo lays-kaashanayo si wadajir ah looga wada shaqeeyo Siyaasadaha horumarineed ee Technology-adda Gaadiidka, Maal-gashiga Jidadka, Garoomada iyo Dakadaha iyadoo la dhisayo nidaam Gaadiid oo casri ah, wax-ku-ool ah, lagana faa’iideysto Tiknology-yadda Casriga.May be an image of 1 person and text that says "SS SSOM SOMBI ME"May be an image of 1 person and studyingMay be an image of 10 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person and text that says "SS SOMB MBI MAD Cd"May be an image of 7 people and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎SS SIGMBI Β 7 MAD ASSEMBLÉE ASSEMBLÉEGÉNÉRALEANNUELLE GÉNÉRALE ANNUELLE تم‎"‎‎May be an image of 8 people and people studyingMay be an image of 4 people, people studying, newsroom and text that says "AA -ll"

NISA oo war ka soo saartay duqeyn Alshabaab lagula beegsaday Gobolka Sh.dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo iskaashanaya ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shebeellaha Dhexe.

May be a doodle of skateboard and text

Somalia offers US exclusive control of air bases, ports

 

 

By Reuters
March 28, 20258:52 PM GMT+1Updated 6 hours ago

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud addresses the media inside his office in Mogadishu, Somalia February 21, 2024. REUTERS/Feisal Omar/File Photo Purchase Licensing Rights, opens new tab

Summary
Somalia offers US control of strategic air bases and ports

Offer could enhance US military presence in Horn of Africa

Somaliland opposes Somalia’s offer, favors direct US engagement

NAIROBI, March 28 (Reuters) – Somalia is prepared to offer the United States exclusive control of strategic air bases and ports, its president said in a letter to President Donald Trump seen by Reuters on Friday.

In the Marc
h 16 letter, authenticated by a regional diplomat with knowledge of the matter, President Hassan Sheikh Mohamud said the assets included air bases in Balidogle and Berbera as well as the ports of Berbera and Bosaso.

The Reuters Tariff Watch newsletter is your daily guide to the latest global trade and tariff news. Sign up here.

 

Somalia’s foreign affairs and information ministers did not immediately respond to requests for comments.

The offer could give the United States a firmer military presence in the Horn of Africa region as it looks to counter the threat from Islamist militants in Somalia and across the region.

“These strategically positioned assets provide an opportunity to bolster American engagement in the region, ensuring uninterrupted military and logistical access while preventing external competitors from establishing a presence in this critical corridor,” the letter said.
A

Berbera is in the breakaway Somaliland region, meaning the offer for the port and air base there would put the government there and Somalia on a collision course.

“What cooperation? The USA gave up this corrupted regime called Somalia. The USA is now ready to deal with Somaliland, who has shown the world to be a peaceful, stable, and democratic nation,” Abdirahman Dahir Aden, Somaliland’s foreign minister, told Reuters.

 

“The USA is not stupid. They know who they need to deal with when it comes to Berbera port,” he added.

Somalia opposes any move for Somaliland to be recognized as an independent nation.

Balidogle is about 90 km (55 miles) northwest of the capital, Mogadishu, while Bosaso is in the semi-autonomous state of Puntland.

Reporting by Ammu Kannampilly in Nairobi and Abdi Sheikh in Mogadishu; writing by George Obulutsa Editing by Bate Felix and Sandra Maler

Our Standards: The Thomson Reuters Trust Principles., opens new tab

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud addresses the media inside his office in Mogadishu

 

Somalia offers US control of strategic air bases and ports

Offer could enhance US military presence in Horn of Africa
Somaliland opposes Somalia’s offer, favors direct US engagement

NAIROBI, March 28 (Reuters) – Somalia is prepared to offer the United States exclusive control of strategic air bases and ports, its president said in a letter to President Donald Trump seen by Reuters on Friday.

In the March 16 letter, authenticated by a regional diplomat with knowledge of the matter, President Hassan Sheikh Mohamud said the assets included air bases in Balidogle and Berbera as well as the ports of Berbera and Bosaso.

The Reuters Tariff Watch newsletter is your daily guide to the latest global trade and tariff news. Sign up here.

Residents of Sudan’s Tuti Island have emerged from paramilitary control to speak of hardships suffered and relief that their oppressors have been driven away.

 

Somalia’s foreign affairs and information ministers did not immediately respond to requests for comments.
The offer could give the United States a firmer military presence in the Horn of Africa region as it looks to counter the threat from Islamist militants in Somalia and across the region.
“These strategically positioned assets provide an opportunity to bolster American engagement in the region, ensuring uninterrupted military and logistical access while preventing external competitors from establishing a presence in this critical corridor,” the letter said.
Advertisement · Scroll to continue

Report This Ad
Berbera is in the breakaway Somaliland region, meaning the offer for the port and air base there would put the government there and Somalia on a collision course.

“What cooperation? The USA gave up this corrupted regime called Somalia. The USA is now ready to deal with Somaliland, who has shown the world to be a peaceful, stable, and

XOGTA : Madaxweyne Xasan oo Mareykanka siinaya qaar ka mida Dekadaha Somalia si looga hortago aqoonsiga Somaliland.

Sida ay qortay shabakada Semafor Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday talaabo uu kaga hortagayo in Mareykanku aqoonsi dowladeed siiyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan ayaa Dowlada Mareykanka gaar ahaan dhigiisa Donald Trump usoo bandhigay inuu siiyo maamulka dekedo istiraatiiji ah ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed gaar ahaan xeebaha waqooyiga Somalia taasoo hadii fulinteeda loo gudbo meesha ka saareysa gabi ahaanba rajada bilihii ugu dambeeyay la hadal hayay ee ah in Mareykanku aqoonsado Maamulka Somaliland.

shabakada Semafor ayaa shaacisay inay heshay warqad Madaxweynaha Soomaaliya uu u direy dhigiisa Mareykanka 16-ka Bisha March 2025 taasoo Xassan uu ku dalbanayo in Trump uu la wareego maamulida dekadaha Gacanka Cadmeed.

Dekadahaan oo ku yaal Badda meel istaraatiiji ah sida ku xusan warqada Madaxweyne Xassan ayaa siineysa Mareykanka inuu saldhig ka sameysto sidoo kalana wax ka dhoofsadaan kana soo degsadaan.

“hadaad naga aqbashaan saldhigaan ciidana sameysataan waxaad fursad u heleysaan inaad maamushaan wadooyin muhiim ah”ayaa lagu yiri warqada Madaxweyne Xasan u direy Trump

Labada Dekadood-ba waxaa kala maamula Puntland iyo Somaliland waana dekadaha Ber-bera iyo Boosaaso taasoo aan la ogeyn siday ku hirgeleyso.

Isku deyga Madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadaya xili Donald Trump dunida ku soo kordhiyay sidii loo doortay talaabooyin lala yaabay sida inuu joojiyay dhaqaalihii ay dalalka dunida siin jireen sida Afrika iyo Assia sidoo kale waxay ku soo aadeysa xili lagu xanto Trump inuu jecel yahay heshiisyada danha dhaqaale ay ku jiraan xili asalkisu uu yahay ganacsade.

Dhanka kale Talaabadaani oo dhanka Dowladu beenisay jiritaankeeda ayaa ayaa laga yaabaa inay buur ka dhex dhaliso mar kale maamuladaasi iyo Dowlada Somalia oo awalba aan isku fiicnayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS