Home Blog Page 75

Booliiska oo maanta yeeshay kulan lagu dardargelinayo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Akadamiyadda Jeneraal Kaahiye ku shir gudoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta iyo Xoojinta ammaanka guud ee Dalka .

Waxaa kulanka Warbixino ku saabsan guud ahaan Ammaanka Gobolada Dalka kasoo jeediyey Saraakiisha Amniga u xilsaaran waxaana si qoto dheer loogu falan-qeeyey guulaha iyo Caqabadaha Howlgalka ka dhanka ah Khawaariijta banaystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey Baraaruga iyo garab istaagga ay Ciidamadooda furimaha jooga u muujiyeen,Saraakiisha iyo Ciidamadana waxa uu faray in shacabka xogaha amaan ee ay la wadaagayaan si dhakhso leh uga howlgalaan si loo soo afjaro Khawaariijta duulaanka ku ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.May be an image of 1 person and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people, table and daisMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says '‎2 +2 D 色 ل جد‎'‎‎

Fahad Yaasiin “Madaxweyne gogol qaran dhig si dalka loo bad-aadiyo”

Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud.
Fahad ayaa madaxweyne Xassan u soo jeediyay inuu talada dhexda dhigo ka hor wax uu ku sheegay isku dhex yaaca.
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalkiisa:-
“𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞, 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱 𝐲𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫, 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐭𝐚𝐬𝐡𝐨.

Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka.

Mudane Madaxweyne, hal codsi baan kuu soo gudbineynaa, iyadoo lagaa filanayo inaad soo dhaweyso oo aad aqbasho.

Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba.

Madaxweyne, waqtigan maahan xiligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa, waxaan kaa rajayneynaa inaad noqoto odaygii qaranka, oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya.”

Alshabaab duqeyn xaga cirka ah lagula eegtay Sh.dhexe

MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Cirka Dowlada Somalia ayaa maanta duqeyn ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen saraakiisha iyo ciidamada kooxda Alshabaab.

Duqeynta maanta ayaa si gaar ah uga dhacday Buur Ow-xuseen ee waqooyiga deegaanka xagareey oo hoos tagtaa Degmada Masaajid Cali-guduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa gantaalada lala eegtay dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymahaani lagu soo beegay xili dagaalamayaasha Alshabaab ku jireen is diyaarin ay weerar ku soo qaadi lahaayeen balse diyaarada  ciidamada ayaa ka adeegatay oo ka hortagtay qorshahoodii.

lama yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee Alshabaab ka soo gaaray duqeymahaasi, mana jirto wax war ah oo labada dhinac midkoodna ka soo saaray inta uu gaarsiisan yahay dhibaatada ka dhalatay duqeyntaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

 

Sanbaloolshe iyo Daba-geed maxay kala hadleen dhaqanka Moqokori+SAWIRRO

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka, shirkaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Hirshabelle.

Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xusay in hey’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo in amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balanqaaday inay hey’adda amniga garab ku siinayaan kala shaqeynta nabadda iyo guud ahaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta kuwaas oo ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka.May be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 12 peopleMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 4 peopleMay be an image of 13 people, people studying and textMay be an image of 10 people, people studying and textMay be an image of 4 people and streetMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 28-ka Maarso, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kulan mira dhal ah oo muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyyib Erdogan, iyagoo ka wadahadley iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada amniga Soomaaliya.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe si loo dardar galiyo hawlgalka dib u xoreynta dalka.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kulan madaxeed ay yeesheen urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC oo looga hadlayey mushkiladda.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.
9- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.
10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Cabdisalam Cabdi Cali ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka.
11- Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Midowga Afrika uu Dowladda Soomaaliya ku taageerayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod.
12- Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa ku guuleystay in dalka dib loogu soo celiyo 145 muwaadin oo mudo ku xirnaa dalka Liibiya.
13- Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka bariga Africa oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
14- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan is-weydaarsiga xogta si loo horumariyo nidaamyada Illaalinta Bulshada ee Diiwaanka Mideysan ee Bulshada (USR).
15- Hawlgal Wadajir oo ay fuliyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaasahanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay buuraha Golis ee Dowlad Goboleedka Puntland oo lagu bartilmaameedsaday kooxda argagixisada ah ee ISIS.
16- Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in muddadii loogu talagalay in aay isku soo diiwaan galiyaan Ururrada Siyaasadda lagu daray muddo 21 cisho ah.
17- Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay Shirka Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board of Directors), oo ka dhacay magaalada Nairobi.
18- Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kuna saabsanaa xoojinta doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta.
19- Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Bay oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney ayaa lagu dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan.
20- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.
21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka soo hoyay dagaal ay la galeen kooxaha Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
22- Mas’uuliyiin ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinaayeen arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Università ee magaalada Rome.
23- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta.
24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
========DHAMMAAD=========

Soomalida ma cadaalad waxay u yaqanaa in Ceebaha lagu Faafiyo Baraha Bulshada,Dal sharci leh qof joogo sharci karaadinaa Tik Tok soo dhib maaha

Soomalida ma cadaalad waxay u yaqanaa in Ceebaha lagu Faafiyo Baraha Bulshada,Dal sharci leh qof joogo sharci karaadinaa Tik Tok soo dhib maaha

Muxuu ahaa howlgalka ay Milateriga Somalia ka sameeyeen Baydhaba +SAWIRRO

Sida uu shaaciyay raadiyaha Ciidamada Dowkada  Milateriga  Soomaaliya Gaarahaan Qeybta 60-aad, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada Baydhabo intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadaan.

Howlgalkan, oo lagu baarayay xaafadaha iyo gaadiidka soo galaya magaalada xilliyada habeenkii, ayaa looga gol lahaa in la adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Baydhabo. Waxaana hoggaaminayay L/X/le Cabdiraxmaan Nishow, oo shacabka ku dhiirrigeliyay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Ciidanka XDS ayaa sii wadaya dadaalladooda ay ku sugayaan amniga si loo xaqiijiyo nolol nabdoon oo ay ku noolaadaan shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Gobolka Baay.

DAAWO: Reer Moqokori oo qabsaday waqti ay ku soo qabanyaan nin

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Maamulka iyo shacabka Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa kulan degdeg ah habeen hore waxay ka yeesheen gacan ku dhiigle u dhashay Beesha Xawaadle oo doraad dilay darawal reer Cadaado ahaa ama Bessha Saleebaan Habar-gidir.

Darawalka ayaa ahaa wiil yar oo dhalinyaro ahaa kaasoo isagoo wada gaari safara lagu dilay Magaalada Moqokori waxaana lagu magacaabi jirey Sakariye.

Waxgaradka’dhalinyarada iyo maamulka Reer Moqokori ayaa shirkooda ku cadeeyay inay balan qaadayaan inay soo qabanayaan gacan ku dhiiglaha reerkooda ee dilay wiilka darawalka ah si sharciga loo marsiiyo.

“Walaalaheen reer Cadaado waxaan leenahay raali ahaa,raali kama nihin dilka waxaana balan qaadeynaa inaan soo qabaneyno”ayuu  yirj qof ka mida waxgaradkii u hadlay reer Moqokori.

Talaabdaan ayaa xal u noqoneysa xiisad cokaadeed oo labada Beelood ka dhex bilaaban lahayd.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Maxaa ka jira in Somalia la gelinaayo xaalad Milateri oo deg deg ah

ANKARA (DAYNIILE.COM)-Maxaa ka jira in Somalia la gelinayo xaalad Milateri oo deg deg ah iyo ciidamo Turkey ah oo shabeelooyinka la geynayo..

Warar ay qoreen shaaciyeen ka mid ah warbaahinta Dalka Turkey ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga ay ku heshiiyeen in xaalad degdeg ah oo milateri la geliyo Samalia.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay ku heshiiyeen dhowt kun ciidamo Turki ah inay ku biiraan dagaalka Alshabaab ka dhanka ah iyagoona si gaar saldhig uga dhigan doona gobolada Shabeelooyinka.

Xaaladaan Milateri ee dalla la gelinaayo ayaa la doonayaa in Alshbaab looga nadiifiyo Gobolada Shabeelooyinka oo ay soo buux dhaafiyeen bilahaan danbe.

Madaxweyne Xasan ayaa awood u yeelanaya inuu mudadaasi ku shaqeeyo waxa loo yaqaan xaalad degdeg ah taasoo u ogolaaneysa inuu xitaa soo xiri karo xubnaha dowlada ku jira sida xildhibaanada iyo cid kasta oo uu u arko inay caqabad ku tahay dagaalka uu kula jiro Alshabaab iyo danaha Dowlada.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Todoba qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay suuq mashquul badan oo ku yaalla bartamaha Gaza iyadoo in ka badan 40 qof ay ku dhinteen duqeymo ka dhacay dhulka uu dagaalku ka socdo 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa ka digtay in kumanaan Falastiiniyiin ah ay wajahayaan gaajo iyo nafaqo darro Qaza sida ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ay sheegtay in wax gargaar ah uusan soo gelin deegaankaas in ka badan saddex toddobaad.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay koonfurta Lubnaan,

sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,208 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 113,910 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS