
Gen.Dayax “Rafashada naf baxa ee khawarijta shabaab iyo daacish ee maalmahaan maahan awood dheeraad oo ay la soo baxeen”

maxay ku saabsan tahay fariinta Xasan Cali Kheyre
▪Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay Ciidamada Qalabka-sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen 2 sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda.
Argagaxisadu waa caqabadda ugu wayn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxa ayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo.
Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi waxa uu kala qeybinayaa bulshada, waxa uu kala dhantaalayaa midnimada umadda, waxa uuna u hiillo iyo dhiirrigelin u yahay argagaxisada arxanka daran.
Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada.
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu qaato kaalin hoggaamineed oo uu ku samatabixinayo dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, dadka Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si la isaga kaashado xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.
Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kalahar lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka-sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.
Trent Alexander-Arnold Oo Saamayn Xun Ku Yeelan Kara Mustaqbalka Vinícius Jr Marka Uu Ku Biiro Real Madrid.
Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ku biirista Trent Alexander-Arnold ee Real Madrid uu yahay heshiis la dhameeyay, sida laga soo xigtay Sky Sports.
Xiddiga 26 jirka ah ee daafaca midig ka ciyaara ayaa la filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro kooxda reer Spain xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid noqon doona xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda Real Madrid.
Trent ayaa lagu soo waramayaa in uu la mushahar noqon doono xiddigaha Vinícius Jr., Kylian Mbappé, iyo Jude Bellingham kuwaas oo qaata ugu dhawaad 16 milyan sanadkii.
Tiradan ayaa u dhiganta xadka sare ee miisaanka mushaharka Real Madrid, oo uu dejiyay madaxweynaha kooxda Florentino Perez.
Ku biirista Alexander-Arnold ee Real Madrid ayaa ka dhigaysa in uu xiddigu qaato 16 milyan oo ka badan lacagtii 12-ka milyan ee uu ka qaadan jiray Liverpool.
Saxiixa Alexander-Arnold wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa wadahadalada qandaraaska ee socda ee Vinícius Jr.
Wakiilada weeraryahanka reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa inay raadinayaan mushahar sanadle ah oo dhan 27 milyan euro – oo ah tiro aad uga badan mushaharka Mbappé iyo Bellingham, taas oo adkeynaysa in Real Madrid ay bixiso.
Vinícius Jr. wuxuu higsanayaa mushaar ka tarjumaya xaaladiisa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sareysa adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, imaatinka Alexander-Arnold ayaa adkeynaya wada xaajoodyadan.
Xaalada Dhaawacyda Arsenal Ka Hor Kulanka Real Madrid.
Arsenal ayaa isha ku heysa kulanka Champions League ee Real Madrid marka ay soo laabtaan ka dib fasaxa caalamiga ah.
Gunners ayaa lugta hore ee wareega 8da ku marti galin doonta Emirates Stadium 8-da bisha April ka Hor inta ayna booqan Bernabue 16 isla bishaas.
Intaa ka hor, Arsenal waxa ay Salaasada soo dhaweyn doontaa Fulham kulan ka tirsan Premier League ka dibna waxa ay Everton ku wajihi doontaa Goodison Park Sabtida soo socota
12 dhibcood ayaa ka dambeeyaan Liverpool iyadoo sagaal kulan ay ka harsan tahay, qabashada hogaamiyayaasha waxay u muuqataa mid adag sidaas darteed waxa ay diirada saari doonaan champions League.
Taam ahaanshaha Bukayo Saka ayaa fure u noqon karta fursadahooda kulanka boqorada Yurub ee Real Madrid. Iyadoo taas maskaxda lagu hayo, halkan waxaan ku eegeynaa dhaawacyadii ugu dambeeyay ee Arsenal.
Arsenal ayaa ku Rajo weyn in uu Bukayo Saka door ka qaato kulanka Fulham Halka sidoo kale Riccardo Calafiori iyo jurrien Timber ayaa sidoo kale la filayaa in ay taam noqdaan.
Si kasta ha ahaatee Kai Havertz iyo Gabriel Jesus ayaan u wali Soo laaban doonaan waxana ay maqnaan doonaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Liverpool Oo Qarka U Saaran Badalka Trent Alexander Arnold.
Liverpool ayaa ‘ qarka u saaran’ saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong si uu u noqdo badalka Trent Alexander-Arnold.
Taasi waa sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Defensa Central, oo sheegtay in Liverpool ay qorsheyneyso inay Frimpong ku keento Anfield heshiis ku kacaya 30 milyan oo euro
Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay sheegeysaa in kooxda Merseyside-ka ay wadada u banneeyeen saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands sababtoo ah Real Madrid – oo sidoo kale lala xiriirinayo 24-sano jirkaan – iyagoo diiradda saaraya dadaalkooda saxiixa Alexander-Arnold.
Reds ayaa suuqa u galayaan Daafac midig oo cusub iyada oo xiddiga Trent Alexander Arnold ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid
WORL CUP: Xulalka Sida Rasmiga Ah Ugu Soo Gudbay Wareega Group-yada Koobka Adduunka.
Is reeb-reebka Koobka Adduunka Sanadka 2026 ayaa meel xasaasi ah maraya iyada oo xulalku u tartamayaan booskooda wareega Group-yada koobka adduunka.
Waxa jira 7 xul oo haatanba xaqiiqsaday booskooda wareega Group-yada koobka adduunka iyada oo xulalka kale wali tartan adag ugu jiraan.
Xulalka marti galinaya tartanka ee Canada USA Iyo Mexico ayaa iyagu si toos ah ugu soo baxay maadama ay yihiin dalalka marti galin doona tartanka.
Halkan Hoose kaga bogo 7 Xul ee u soo baxay koobka adduunka 2026.
Argentina
Japan
Iran
USA
Canada
Mexico
New Zealand
Thabit Cabdi oo ka hor yimid Madaxweyne Xassan fariin culusna u direy
Dadka oo dhan hal caddow bey leeyihiin waana waajib in meel looga soo wada jeesto argagixisada ee Madaxweynow dadka isku doon.
XOGTA: Soo laabashada Madaxweyne Xassan ee furimaha dagaalka iyo safar uu Turkey ku tagaayo
MUQDISHO(DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isagoona ka yimid furimaha dagaalka Gobolka shabeelaha dhexe.
Madaxweynaha soo laabashadiisa oo ay ku soo aaday kadib markii maanta alshabab qabsadeen Degmada Masaajid Cali Gaduud oo ku dhaw Magaalada Caddalle oo Madaxweynuhu ku sugnaa.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Xassan safar ugu baxayo Dalka Turkey khamiista beri ah inkastoo faahfaahin aan laga helin ujeedka socdaalkiisa balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu kala hadlayo Turkey arimo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee Somalia ay ka iibiyeen iyo sidii ciidamada cirka Somalia loo siin lahaa tababaro dheeraad ah.
Dhanka kale Madaxweynaha waxaa lagu wadaa inuu saraakiisha ciidamada Dowlada uu la qaadan doono kulan gaar ah oo looga hadlayo dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab madaama maalmihii ugu dambeeyay Alshabaab soo kordhiyeen weerarada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Ra’iisul Wasaare Xamza muxuu ka yiri dagaalka Alshabaab lagula jiro




































Jadon Sancho Oo Go’aansaday In Uu Ku Biiro Koox Kale.
Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Jadon Sancho iyo in ay dib ugu celiso kooxda Man United laakiin xiddiga ayaa ka sheegayaa in uu doonayo in uu ku laabto Borussia Dortmund.
Sancho, oo 24 jir ah, ayaa soo maray xaalad adag tan iyo markii uu ka tagay Dortmund kuna biiray Manchester United 2021.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii Bundesliga, waxaana Old Trafford ku xayiray tababarihii hore ee kooxda, Erik ten Hag, ka hor inta uusan amaah ugu biirin Chelsea xagaagii.
Dhawaan ayaa la shaaciyay in Blues ay dib ugu laaban karto go’aankeedii ahaa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga waase haddii ay diyaar u tahay inay bixiso 5 milyan oo ganaax ah.
Qaab ciyaareedkiisa aan is badalka lahayn Ayaa keentay in ay shaki galiso Mustaqbalkiisa laakiin Sancho ayaa doonaya in ku laabto Borussia Dortmund.
Bild ayaa sheegaysa in rabitaanka xiddiga garabka ka ciyaara ee ah inuu ku laabto Dortmund, halkaasoo uu amaah ku qaatay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore, ay ‘soo kordhayso’ maalinba maalinta ka dambeysa. Waxa kale oo la sheegay in uu maamulkiisa u gudbiyay codsi ah in uu ku laabto Borussia Dortmund.