Home Blog Page 8

Lamine Yamal oo si kulul ugu jawaabay taageerayaasha Real Madrid kadib dhaleeceyn ay u jeediyeen

XIGASHO LAACIB.NET

Lamine Yamal ayaa si adag ugu jawaabay taageerayaal ka tirsan Real Madrid oo ku eedeeyay inuu yahay mid isla weyn oo kibir badan.

Kaddib guushii cajiibka ahayd ee Barcelona ka gaartay Real Madrid 3-2 kulan ka tirsan Copa del Rey, Yamal ayaa la weydiiyay fikirkiisa ku aaddan eedeymaha, wuxuuna si kulul uga jawaabay arrinta: “Haddii ay guuleystaan, markaas ha i dhahaan sidaas.”

Garabka 17-jirka ah ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii Barcelona, isagoo caawiyay finalkii labo gool oo muhiim ah.

Inkasta oo Barcelona 2-1 lagu hoggaaminayay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay, haddana waxay sameeyeen soo laabasho cajiib ah, iyadoo Ferran Torres uu barbareeyay daqiiqaddii 84-aad, Jules Kounde-na uu goolka guusha dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa.

Isku kalsoonaanta Yamal ayaa dareen badan dhalisay, balse wuxuu u muuqdaa mid aan ka welwelsanayn dhaleeceynta. Wuxuu rajeynayaa inuu sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan marka ay Barcelona la kulanto Inter Milan, taasoo noqon karta ciyaartiisa 100-aad ee uu u safto kooxda.

In kasta oo lala barbardhigo Lionel Messi, oo xilligii uu da’daas ahaa kaliya toddobo kulan u ciyaaray Barcelona, Yamal ayaa iska diiday in uu is barbar dhigo halyeyga reer Argentina.

Lamine Yamal Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Taageerayaasha Real Madrid Kadib Dhaleeceyn Ay U Jeediyeen

Tababaraha Barcelona oo si weyn uga cadhooday ficil foolxun oo ay Ku kaceen lix xiddig

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa si cad uga cadhooday lix ciyaaryahan oo kooxdiisa ka tirsan intii lagu jiray tababarkii ugu dambeeyay kahor kulanka wareega semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Inter Milan.

Lamine Yamal, Fermín, Gavi, Ansu Fati, Iñigo Martínez, iyo Ronald Araujo ayaa lagu arkay iyagoo kasoo daahay tababarka, taasoo keentay caro uu Flick muujiyay.

Tababarka oo socday wax ka badan saacad ayaa dib u dhacay 45 daqiiqo sababo la xiriira fadhi fiidyow oo dheeraaday.

Inkasta oo ay soo daaheen, lixda ciyaaryahan waxay si caadi ah u dhamaystireen tababarka.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Inter Milan Arbacada kulan muhiim ah oo Champions League ah.

Tababaraha Barcelona Oo Si Weyn Uga Cadhooday Ficil Foolxun Oo Ay Ku Kaceen Lix Xiddig

Aadan Madoobe oo kursiga Xil. Abiib ku celiyay guddiga xeerhoosaadka iyo xildhibaanada mucaaradka oo durba jawaab kulul ka bixiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.Open photo

Sidoo kale waxaa durba ka hadlay go’aanka Gudoomiyaha xildhibaanada mucaaradka waxayna shaaciyeen ineysan ku qanacsaneyn warqadaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo u hadlay mucaaradka ayaa shaaciyay inwarqada ka soo baxday Gudoomiye Aadan Madoobey aysan lahayn sumad ,tixraac iyo saxiixa gudoomiyaha baarlamaanka intaba sidaas daraadeedna aysan ku qanacsaneyn.

Sidoo kale xildhibaanada wada mooshinka xil ka qaadista Gudoomiye Aadan Madoobe waxay cadeeyeen ineysan ka laabaneyn mooshinkooda madaama Gudoomiyuhu warqada ku cadeyn inuu ka laabtay xasaanad ka qaadkii Xildhibaan Abiib.

Warqada Gudoomiye Adan Madoobe ayaa sidan u qorneyd:-May be an image of text

 

Xamza Cabdi-Barre oo xilka u kala wareejiyay Ra’iisulwasaare xigeenkii hore iyo midka cusub

May be an image of 4 people, dais and textMuqdisho, Talaado, 29 Abriil 2025:— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.
— DHAMMAAD —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 9 people and tableMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 9 people, table and daisMay be an image of 3 people

Madaxweyne Xassan oo faah-faahiyay xiriir dhex-maray Alshabaab iyo Xuutiyiinta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qormo uu qorey waxaa lagu soo daabacay Jariidada Sharqul Awsat ee kasoo baxda dalka Sacuudiga,wuxuuna markii ugu horeysay ka hadlay ka dowlad ahaan inay xaqiijiyeen xiriir ka dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Madaxweyn Xassan wuxuu tilmaaay in sirdoonka Soomaaliya uu ogaaday inay kooxahaani  leeyihiin xiriir ilaa heer hub is dhaafsi,wuxuu intaasi ku daray inay Ciidamada Somalia dhawaan qabyeen drons dhanka Yemen laga keenay,walxaha qarxa iyo waliba koxihii lagu qabtay.

Wuxuu ku baaqay iskaashi  Gobolkuka yeesho  sidii loo ilaalin lagaa biyaha gacabka cadmeed iyo badda cas.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu qormadiisa aad ugu dheeraaday ilaa 6 jeer oo argagaxisadu isku dayday inay dilaan sida uu warka u dhigaay tan iyo markii sanadkii 2012-kii markii ugu horeysay loo doortay Madaxweynaha Somalia iyadoo uu ugu dambeeyay isku dayga  ay ku doonayaan inay isaga ku dilaan weerarkii 18-kii March ka dhacay muqdisho xili uu furimaha dagaalka u socday balse uu Alle ka bad-baadiyay.

“waxay raadinayaan argagaxisadu inay maamulaan bad-weynta hindiay iyo gacanka cadmeed oo muhiim u ah halbowlayaasha gobolka iyo dunida oo dhan”ayuu yiri Madaxweyne Xassan

Dhanka kale mar uu ka hadlayay ujeedka ay kooxaha argagaxisadu u doonayaan inay isaga dilaan ayuu ku sheegay inay mid ay uga hor tagayaan nooca mashruuca qaran  ee uu doonayo kaasoo ah mashruuc Soomaaliya looga badbaadinayo argagixisada sida uu warka u dhigay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Halkaan ka daawo wadanka Afrika ugu dalxiiska badan wase wadankee mana u dalxiistay waligaa

Halkaan ka daawo wadanka Afrika ugu dalxiiska badan wase wadankee mana u dalxiistay waligaa

DAAWO: Maxkamada Dowlada oo ku dhawaaqday xukunka dad ku eedeysan Tahriibinta 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay xukunka dad ku eedeysan Tahriibinta iyo ka ganacsiga qulqulka dadka muhaajiriinta ah.

Maxkamadeynta raggaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay ka socotay Maxkamada Gobolka Banaadir waxayna badankood dacwo ka ahaayeen muqalisiinta wax tahriibeysa ee Muqdisho ku leh Agenc-yada iyadoo dacwooyinka qaar la gaarsiiyay diyo madaanma qaarkood badda ku dhinteen.

Haddaba halkaan ka daawo Gudoomiyaha Maxkamada oo xukunka ku dhawaaqay:-

 

Dowlada oo ka qeybgashay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika+SAWIRRO

May be an image of 4 people, crowd and textWasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika oo si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.
Shirweynahani, oo socon doona saddex maalmood (28–30 Abriil 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ee wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee dalalka Afrika. Waxa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sanadkan.
Maalmaha soo socda, Wasiir Yuusuf waxa uu kulamo la yeelan doonaa Wasiirada wasaaradaha shaqada ee dalalka Afrikada, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay: Kartiyo iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.May be an image of 1 person, dais and text that says "吉 本 innovation-africa.org"May be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎مج MihT Innovation Africa 2025 Africa Ministerial Summitf for Education, CT ICT&Skills Skills 28-30 April 2025 Addis Ababa, Ethiopia የኢሞያጋ 한0 L2p4C 青 nd Skilis ፂኒስቴር Inno 025‎"‎‎May be an image of one or more peopleMay be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 14 people, dais and text that says "電製期 Innovation Africa Opening OpeningCeremony Cer Ceremony MTT FLISTN uacTE Aec stcanSaie InnovationAfrica2025 Innovation Family Photo: Heads of Government Delegations ሚኒሳቴር Heads of Government Delegations 03333309117317 PHOLES ስስክንን AHDPA Innovation Africa 2025 Innovation-africa.org"May be an image of 4 people, crowd and textMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎مج MihT Innovation Africa 2025 Africa Ministerial Summitf for Education, CT ICT&Skills Skills 28-30 April 2025 Addis Ababa, Ethiopia የኢሞያጋ 한0 L2p4C 青 nd Skilis ፂኒስቴር Inno 025‎"‎‎

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xassan siinayo Beesha Jareer-weyne xil muhiim ah

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu siinayo Beesha Jareer weyne xil muhiim u ah oo ay hada ku fadhiyaan jufada hoose uu ka soo jeedo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Xilka lagu wado in la siiyo beesha Jareer weyne ayaa ah Gudoomiya Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir halkaasoo in mudo ah ay madax ka yihiin beesha Waceysle Abgaal ee Madaxweynuhu ka soo jeedo.
Inkastoo wali aan xaqiiqo loo heyn balse wararka hoose ay sheegasyaan kaliya inuu yahay qorshe Madaxweynuhu ka fekeriyo si reerkaasni looga xaal mariyo geerida ku timid Gen.Sheegoow oo gacanta Dowlada ku jirey markuu geeriyoonayay.
Hadii warkaani run noqdo oo Madaxweynuhu ka dhabeeyo waxaa macquul ah in Beesha Jareer weyne joojiyaan banaan baxyada iyo tabashada ay Dowlada ka tirsanayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS