Home Blog Page 84

Arsenal Xiddig Laf Dhabar Ah Ku Wayday Fasaxa Xulka

Daafaca kooxda Arsenal ee Riccardo Calafiori ayaa dhaawac uga baxay xulka qaranka Italy xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in uu garoomada ka maqnaan doono laba ilaa saddex todobaad taas oo shaki galinaysa taam ahaanshihiisa kulanka Real Madrid ee champions league.

Calafiori ayaa lagu qasbay in uu dhaawac uga boxo kulankii xulka qarankiisa Italy la ciyaarayay xulka Germany kulan ka tirsanaa Nations League.

Waxa la isku dayay in lagu daaweeyo garoonka dhexdiisa laakiin waxa uu ugu dambayn ka baxay ciyaarta markii uu sii Wadan kari Waayay.

Xiddiga ayaa wax Laga waydiiyay dhaawaca markii ay ciyaartu dhamaatay waxana uu ku jawaabay waxba kama garanayo

Tababaraha xulka qaranka Italy Luciano Spalletti ayaa yidhi: โ€œWeli garan mayno, waxa uu sheegay in uu jilibka ka dareemay xanuun laakiin si sax ah ugama jawaabi karo taas, markaa waa inaan aragnaaโ€.

Calafiori ayaa maray tijaabada dhaawaca jimcihii, iyadoo Italy ay haatan xaqiijisay inuu ku laaban doono Arsenal islamarkaana uusan wax qeyb ah ka ciyaari doonin kulanka lugta labaad ee Germany ay Axada ku wajahayaan Dortmund.

Madaxweynaha oo Caawa kulamo iyo abaabul dagaal ka wada Degmo Xeebeedka Caddalle+SAWIRRO

May be an image of 1 personCADALE (DAYNIILE)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe halkaasoo uu u tagay sidii uu uga hagi lagaa dagaalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi ka wado kulamo joogto iyo abaabul guluf dagaal culus oo Alshabaab looga saarayo guud ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Saacadihii ugu dambeeyay wuxuu qaabilayย  odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe taasoo daba socota diyaar garowga iyo fulinta qorshaha madaxweynaha ee ah ka taqalusida Kooxda Alshabaab.
Labada dhinac waxay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin alshabaab.
Dhanka kale Waxgaradka la kulmay Madaxweynaha iyo saraakiisha ciidamada ee garbihiisa fadhiya ayaa ku bogaadiyeen siday uga go’an tahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Alshabaab,xili iyaguna balan qaadeen inay kaalintooda qaadan doonaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 3 people and dais

XOGTA: Gurmad naf iyo maal leh oo Beesha Xawaadle ay soo gaarsiisay Degmada Aadan Yabaal

No description available.AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Gurmad xoog leh oo isugu jira naf iyo maal ayay Beesha Xawaadle soo gaarsiisay walaalahood Abgaal gaar ahaan shacabka ku dhaqan Degmada Aadan Yabaal waxaana hogaaminayay Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed.

Madaxweyne xigeenka wafdiga uu hogaaminayay waxay Aadan Yabaal soo gaarsiiyeen ciidamo diyaar u ah inay naftooda u huraan ka difaacida Alshabaab ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale wafdiga waxaa la socday Gabdhaha Xawaadle ee reer Baladweyne kuwaasoo iska soo ururshay gurmad raashin,biyo iyo xoolo nool sida geel iyagoo ku wareejiyay saraakiisha hogaamineysa ciidamada Dowlada iyo macawisleyda ku sugan Degmada Aadan Yabaal oo 5 maalin ka horna uu booqday Madaxweyne Xassan.

Hadalo kooban oo ay masuuliyiinta iyo shacabka Xawaadle ka jeediyeen Degmada Adan Yabaal waxay cadeeyeen inay walaalahood u soo gurmadeen naf iyo maalna diyaar ula yihiin si Alshabaab ay isaga wada difaacaan.

Madaxweyne xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed wuxuu ku baaqay in dhamaan reer Hirshabelle iyo Somali oo dhan ay u midoobaan la dagaalanka Alshabaab.

Mid ka mida gabdhaha xawaadle ee gurmadka xoolaha iyo raashinka wax ka waday ayaa hadalo kooban oo qiira leh ka jeediyay aargada Aadan Yabaal iyadoo xustay inay safar dheer laa baladweyne usoo gashay caawinta walaalahooda Shabeelaha dhexe.

“ilaa iyo baladweyne ayaan safar usoo galnay intaasna waxaan u maleynaa waxaan ku soconay dhiig ragggeed, wadada aan soo marnay boqolaal wiil oo cad cad ayaa god u gashay inaan si nabadย  ku soo marno”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ “๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฒ๐˜† ๐˜‚ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ถ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Muqdisho, Jimco, 21 Maarso 2025: โ€” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Muuqaale Duube Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay dagaal ka dhacay Waajid+SAWIRRO

WAAJID (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Muuqaal duubayaasha kooxda Alshabaab oo ahaa nin yar ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool kadib weerar ay soo qaadeen kooxa.

Ciidamada Dowlada Somalia ayaa jilbaha u aastay inay iska difaacaan weerarka kaga yimid Alshabaab kuwaasoo qorshe weyn ka lahaa weerarka madaama ay soo wateen muuqaal duube balse ciidamada ayaa ka fashaliyay.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil yar oo muuqaal duube u ahaa kooxda Alshabaab isaga iyo qalabkiisii uu isticmaalayay,wuxuu ku jiraa gacanta ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa xooggga Guutada 9-aad qeybta 60-aad.

Warbaahinta ayaa loo soo bandhigay Camira-man-ka Alshabaab iyo qalabkii dagaalka looga furtay intaba.

Dhanka kale Cidamada amaanka Waajid waxay fashiliyeen qaraxyo miino oo alshabaab ku aaseen dhowr goobood sida nawaaxiga garoonka diyaaradaga Degmada Waajid.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 peopleMay be an image of 10 people

Xaalada Reer Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay

GAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israel ayaa sheegay in duulaanka dhulka ee koonfurta Gaza ee Rafah uu socdo, ciidamaduna ay ku sii qulqulayaan waqooyiga meel u dhow magaalada Beit Lahiya iyo bartamaha magaalada.

Ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa la dilay tan iyo markii Israaโ€™iil ay dib u billowday dagaalka ay ku hayso deegaannada goโ€™doonsan ee Falastiin toddobaadkan, sida ay sheegtay UNICEF.

In ka badan 590 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada tan iyo markii Israaโ€™iil ay jebisay xabad-joojinta Gaza Talaadadii, masโ€™uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay, waxaana sii kordhaya tirada dhimashadu iyadoo weerarada cirka iyo weerarada dhulka ee Israaโ€™iil ay sii kordhayaan.

Sidoo kale Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Israaโ€™iil ay qabsan doonto dhulka Gaza ilaa Xamaas ay ogolaato in ay sii deyso dhammaan maxaabiista weli ku xiran Marinka.

“Mar kasta oo Xamaas ay ku sii adkaysato diidmadeeda ah in ay sii deyso la haystayaasha, waa inta dhul badan oo ay lumin doonto, kaas oo lagu dari doono Israa’iil,” ayuu yiri wasiir Katz sidaย  laga soo xigtay The Jerusalem Post.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 49,617 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 112,950 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israaโ€™iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu laโ€™yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israaโ€™iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ciidamada Dowlada Sudan oo dib ula wareegay Xarunta madaxtooyada

Sudan QARTUM (DAYNIILE.COM)-Wararka ugu dambeeya ee laga helaayo dagaalada ka socda Dalka Sudan iyo guulaha isdaba jooga ah ee Dowalda Sugan gaaryso ayaa sheegayo in ciidamada qaranka Sudan inay gacana ku dhigeen xarunta madaxtooyada ee dalkaasi looga taliyo.

Af-hayeenka ciidanka Dowlada Sudan, Nabil Cabdallah ayaa TV-ga dowladda ka sheegay inay dib ula wareegeen xarunta Madaxtooyada iyo waliba iyo dhismayaasha wasaaradaha.

Ciidamada RSF ee Dowlada Sudan ka soo horjeeda ayaa in mudo ahba maamuleysay Madaxtooyada Sudan tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada dalkaasi balse ugu dambeyn gacantooda waa laga fara-maroojiyay waxaana muuqata in Dowlada Sudan ay mar dhaw dalka oo dhan ka saareyo kooxda RSF.

Xarunta madaxtooyada ayaa ku taal bartamaha caasimada Sudan ee Khartoum halkaasoo goob dagaal iska noqotay tan markii dagaalada dalkaasi bilowdeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wararkii ugu dambeeyay howlgalada ka socda Gobolka Sh.dhexe

No photo description available.AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali si xowli ah u socda howlgalada ka dhanka ah Alshabaab marka la eego dhanka Gobolka Shabeelaha dhexe oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Dowladaย  ay ku sugan yihiin.
Duqeymaha Alshabaab iyo madaxdooda ayaa gobolka ka socda 24-kii saac ee ugu dambeysay iyadoo Dowladu adeegsaneyo Diyaarada Drons-ka ee casriga Bayraktar AKINCI taasoo duqeyn ku wada bartilmaameedo qorsheysan oo Alshababaab ka dhan ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamacu wadaan howlgallo saf balaaran ah kuwaas oo ka dhan ah Alshabaab waliba meelaha ay ku dambeeyaan.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Dowlada sida Taliyaha Milateriga iyo kan ciidamada lugta ayaa hogaaminaya howlgalada halka dhanka Gobolka Hiiraan uu hogaaminayo Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.
laba maalin ka hor ayay ahayd markii Dowlada Somalia ay soo bandhigtay liiska saraakiil sar sare oo Alshabaab looga dilay duqeymaha ku socda meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe halka hada uu ka socdo dagaalada ugu badan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 12 people and treeNo photo description available.May be an image of 8 people

NISA oo sharaxaad ka bixisay tirada Alshabaab looga dilay duqeymaha Gobolka Sh.hoose

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 82 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Khawaariijta, halka 19 kalena dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.
Hay’adda NISA, ayaa markale dadka rayidka ah ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaariijta ah oo bartilmaameed u ah Ciidamada Qaranka.May be an illustration of map and text
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS