Home Blog Page 86

DAAWO: Ciidamada Cirka Somalia oo hawada ka duqeynaya Alshabaab

Waxaa isbadal xooggan laga dareemayaa awooda ciidaamada cirka ee Dowlada Somalia oo soo kabanaya madaama aysan wax shaqo qaban mudo ka badan 30 sanadood.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo awooda ciidamada cirka ee Dalka kadib markii uu qalabeeyay ciidamada cirka waxaana bilahaan danbe laga dareemayaa furimaha dagaalka xili ay wacdaro ka dhigayaan.

Muuqaal laga soo duubay Ciidamada Cirka Somalia ayaa muujinaya mid ka mida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Somalia oo  hawada ka duqeynaya ama ka rasaaseynaya Alshabaab xili ciidamadii dhulka laftoodu daawanayaan.

Talaabada dib u soo noleynta ciidamad Cirka Somalia waxay niyada u dhiseysaa ciidamada dhulka ee dalka kuwaasoo mooral ahaan sidii hore ka fiicanaan kara markey arkaan in markii culeys ay dareemaan ay wacan karaan diyaaradaga dagaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

DAAWO: Madaxweyne Xassan oo goor dhaw dib ugu laabtay furimaha dagaalka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw oo maanta ah dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee Gobolka shabeelaha dhexe halkaasoo shalay uu ka soo laabtay si uu ula kulmo wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xassan waxaa soo dhaweeyay Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle xili lagu galbinayay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka dalkeena Somalia.

Gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynuhu u sii talaabi doonaa halkaasoo lagu wado inuu ka hago dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Maalin ka hor ayay ahayd markii qarax uu ka bad baaday madaxweynuhu kaasoo lagu weeraray kolanyadii la socotay markii uu aadayay furimaha dagaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Magacyada Saraakiil sar sare oo Alshabaab looga dilay duqeymaha diyaaradaha Dowlada

Muqdisho: 20-ka Maarso 2025 CiidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya xuuraanka NISA, ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay furliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka CXDS iyo saaxiibada caalamka howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolk Galguduud.
Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada, ayaa lagu dilay horjoogayaal ay ka mid yihiin:
1. Axmed Macalin – Horjoogihii argagixisada ee degmada Ceel-Buur
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa argagixisada Galgaduud.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo ka shaqeeynayay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.
1. Mire Cagdheer – Horjooge ka tirsan argagixisada.
2. Muuse Cumar – Horjooge ka tirsan argagixisada.
3. Maxamed U Rur – Horjooge ka tirsan argagixisada.
4. Xaaji Bashiir – Horjooge ka tirsan argagixisada.
Taliska CXDS wuxuu xaqiijinyaa in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo geesiyaasha Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen khawaarijti ku sugnaa tuulada Bay-Caadle.
Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan maleeshiyaadka argagixisada, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee weerarka qaaday.May be an image of text

Sadex Alshabaab ah oo lagu soo qabtay xili ay Muqdisho qaraxyo soo gelinayeen

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) oo gacanta kusoo dhigay dhagar-qabeyaal doonayay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

May be an image of textMay be an image of 4 people and text

Dowlada Somalia oo lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah deegaanada puntland uga qoraneyso ciidamo

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa eedeysay Dowlada Somalia inay si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneyso Magaalooyinkooda gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo ah xarunta agobolka .

Puntland waxay xustay in ujeedka ciidamadaani ay tahay inay ka qeybgaliso dagaalada ka aloosan koofurta Somalia.

Sidoo kale Maamulka Puntland waxay sheegeejn inay qabteen 8 dhalinyaro ah oo laga saarayay Boosaaso, kuwaas oo la geynayay Muqdisho.

Dhanka Dowlada wali wax war ah kama soo saain sheegashada dhanka maamulka puntland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Maxaa kala qabsaday Alshabaab Saaka soo weeraray deegaanka Diif iyo Ciidamada Jubaland

May be an image of 1 person and jeepDIIF (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay saaka duulaan qorsheysan ku qaadeen deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose maamulka Jubaland.
Warar ku dhaw dhaw dhanka Maamulka Jubaland ayaa durba lagu shaaciyay in weerarka Alshabaab laga hortagay islamarkaana lagu jabiyay markii ciidamada Jubaland heleen xogta weerarka Alshabaab.
Ciidanka Jubaland ayaa la soo sheegayaa markii ay ogaadeen weerarka ku soo wajahan Diif ay Alshabaab kaga hortageen dhexda ka hor inta aysan soo gaarin bartilmaameedkooda.
Dhanka kale kooxda Alshabaab ayaa sidan oo kale waxay saakana weerareen deegaanada Caanoole iyo Sabiib ee Gobolka Shabeelaha hoose halkaasoo ay isku fara saareen ciidamada Xoogga Dalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Madaxweyne Xassan Sheekh muxuu kala hadlay wafdiga Dalka Imaaraad-ka Carabka

Muqdisho, Maarso 20, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.
Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee Labada dowladooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

DHAMMAAD
May be an image of 1 person and dais

XOGTA: Weerar  qaraxyo ku bilowday oo Alshabaab saaka aroortii hore ku qaadeen deegaanka Sabiib

SABIIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa faah-faahino laga helayaa weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxda Alshabaab saaka aroortii hore ku qaadeen deegaanka Sabiib oo ku dhaw Magaalada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan xero ciidamada Dowladu halkaasi ku leeyihiin.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa qaraxyada kadib weerar fool-ka fool ah ku qaaday xerada ciidamada Sabiib ee ciidamada Dowlada halkaasoo uu labada dhinac ku dhex-maray dagaal xoogan.

Ciidamada Milateriga Somalia gaar ahaan kumaandooska Gor-gor oo halkaasi ku sugnaa ayaa la soo sheegayaa inay jilibka u aasteen weerarka kaga yimid kooxda Alshabaab iyadoo gurmadyana ay heleen markii danbe.

Kumaandooska Gor-Gor ayaa si adag uga hor tagay kooxda Alshabaab iyagoona ugu dambeyn dib isaga riixay Alshabaab iskuna fidiyay deegaanka Sabiib.

Dhanka kale qarax miino oo dhimasho sababay ayaa lala eegtay isla saaka aroortii gaari dagaal oo uu watay sarkaal sare oo ciidamada Gor-Gor ka tirsan kaasoo gurmad ahaan ugu socday deegaanka Sabiib ee dagaalku ka socday .

Qaraxa waxaa ku dhintay sida wararka qaar sheegayaan ilaa sedex askari oo uu ku jiro saraalka lagu magacaabo jareere oo ahaa abaan-duuliyaha  guutada 14ka Oktobar inakastoo aan wali la xaqiijin dhimashada sarkaalkaasi, balse kooxda Alshabaab ayaa sheegteen inay qaraxa ku dileen sarkaalkaani.

Sarkaalka iyo ciidamada uu watay waxay miinada kula kacday deegaanka Aala-yaasir ee NO50.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Weeraro cir iyo dhul ah oo Dowladu xalay ku qaaday meelaha ay Alshabaab kaga sugan yihiin Shabeelaha dhexe

Weerar cir iyo dhul ah ayay ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka waxay xalay ku ekeeyeen meelaha ay kooxda Alshabaab ka sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo culusi ka socdeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weeraradaani Alshabaab looga qaaday dhowr jiho xili diyaaradaha dagaalkana ay kow ka caawinayaan ciidamada Dowalada.

ma jirto faah faahin dheeraad ah oo aan ka helnay khasaaraha ka dhashay dagaalkaani xalay saqdii dhexe ay Dowladu ku qaaday Alshabaab iyo waliba hadii ay jiraan deegaano Dowladu kula wareegtay.

Bilihii ugu dambeeyay Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa maleeshiyaad badan soo geliyeen Gobolka Shabeelaha dhexe iyagoo deegaano dhowr ah qabsaday walow inta badan dib looga saaray markii ciidamo badan ay xamar gobolada kale ka soo gurmadeen.

Wixii faah faahin laga helo howlgalka xalay wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kulan looga hadlayay dacwadaha la xiriira canshuuraha oo Muqdisho ku qabsoomay+SAWIRRO

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia Kulan looga hadlayey dardargelinta howlaha baarista iyo horgeynta cadaaladda dacwadaha la xiriira canshuuraha iyo dhaqaalaha ayaa ka qabsoomay Taliska laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha hoggaanka laanta dhexe ee ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha General Cabdullaahi Xassan Bariise iyo Taliyaha laanta dhexe ee Canshuuraha G/sare Mahad Cabdi Cumar ayaa kulanka ka qeyb-galay.

Saraakiishaan ayaa isla meel dhigay in wada shaqeynta la xoojiyo, si loo dardargeliyo maxkamadaynta shakhsiyaadka caadaystay in aysan sida sharciga waaqafsan u bixin canshuuraha ku waajibay.May be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 1 personMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 1 person and studyingMay be an image of 3 people, suit and newsroomMay be an image of 4 people, suit, newsroom and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people, people studying and suitMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people
- Advertisement -

news

Etsy – Shop for handmade, vintage, custom, and unique gifts

0
Etsy is more than an online market it is a pulsating world center in which creativity thrives and combines buyers with independent suppliers that...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS