Home Blog Page 87

Gudiga doorashooyinka iyo Wasaarada Warfaafinta oo ku heshiiyay wacyigalinta dhanka doorashooyinka+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ay wehliyeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusf Cumar Alcadaala, ku Simaha Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Warbaahinta Qaranka ayaa xarunta Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha guddiga, xubnaha guddiga iyo Agaasimayaasha u xilsaaran wacyigalinta iyo diiwaan galinta dadweynaha.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Guddiga ee wacyigalinta dadweynaha ee howlaha doorashooyinka iyo kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee doorashada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddiga ku bogaadiyay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo ay ugu muhiimsan tahay kor u qaadista wacyiga dadweynaha, isaga oo hoosta ka xariiqay ka go’naanta Wasaaradda ee taageerada guddiga ee howlaha wacyigalinta Dadweynaha iyo Warbaahinta.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS kaalinta Wasaaradda ee Wacyigalinta bulshada, wuxuu sheegay in guddigu ay ahmiyad weyn siinayaan wacyigalinta dadweynaha ee doorashooyinka oo ay wasaaraddu laf-dhabar u tahay.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda iyo Guddiga ayaa isku raacay hannaan farsamo oo guddiga Doorashooyinka looga taagerayo masuuliyadooda Wacyigalinta dadwynaha iyo Warbaahinta.May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 4 people, suit and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text that says "CHF 65"May be an image of 2 people, beard, people studying, newsroom and textMay be an image of 3 people, people studying, suit, newsroom and text that says "UHF HF"May be an image of 7 people, people studying, table, newsroom and textMay be an image of 5 people, suit, table, television and indoorsMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 3 people, suit and newsroom

SIR WEYN: Kooxda Van Dijk Uu Qorsheynayo Inuu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayay inay xiiseyneyso daafaca dhexe ee Liverpool, Virgil van Dijk, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay dalab rasmi ah u dirtay ciyaaryahanka reer Holland.

Qandaraaska Van Dijk ee Liverpool ayaa gabaabsi ku dhow, inkastoo uu dhowaan sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa. Wararka ka imanaya Spain ayaa tilmaamaya in Bayern Munich ay dooneyso inay daafacan khibradda leh ku qanciso inuu xirfaddiisa u wareejiyo Bundesliga marka uu qandaraaskiisu dhammaado xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, wariyaha reer Jarmal ee Florian Plettenberg ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Plettenberg ayaa ku adkeystay in Bayern Munich aysan wax qorshe ah ka lahayn inay la saxiixato Van Dijk.

Van Dijk, oo ah 33 jir, ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Liverpool, mana jiro heshiis cusub oo uu u saxiixay kooxda ilaa hadda. Inkastoo taageerayaasha Liverpool ay rajeynayaan in xiddigani sii joogo, haddana xaaladdiisa mustaqbalka ayaa ah mid aan caddayn.

Haddii uu Van Dijk go’aansado inuu ka tago Liverpool xagaagan, wuxuu noqon doonaa daafac sare oo suuqa kala iibsiga xagaaga xiiso weyn ka abuuri kara, iyadoo kooxo badan oo waaweyn ay u arkaan xiddig ay ku xoojin karaan difaacooda.

Lama hubo waxa uu noqon doono go’aanka Van Dijk maadaama mustaqbaljiisa uu weli hadal toos ah kasoo saarin.

 

Manchester United Oo Qarka U saaran Iney Lasoo Wareegto Weeraryahan Halis Badan

Manchester United oo si adag uga shaqeyneysa soo xero-gelinta weeraryahan cusub iyadoo wariye la isku halleyn karo uu xaqiijiyay in wadahadallada hordhaca ah ay durba billowdeen.

Wariye lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay durba wadahadallo la yeelatay weeraryahan caan ah, wuxuuna magacaabay afar weeraryahan oo ay diiradda saarayaan.

Rasmus Hojlund ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay 21 kulan kaddib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay Man United 3-0 kaga adkaatay Leicester City toddobaadkii hore. Joshua Zirkzee, dhanka kale, wuxuu u muuqday mid soo noolaanaya markii loo isticmaalay booska No.10, halkii uu afka hore ka ciyaari lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, weli waa mid muuqata in Manchester United aysan heysan awood weerar oo ku filan si ay ugu tartamaan heerka ugu sarreeya, iyadoo Hojlund iyo Zirkzee ay wada dhaliyeen kaliya 14 gool 83 kulan xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed, saxiixa weeraryahan cusub oo tayo leh xagaaga ayaa ah mudnaanta koowaad ee Old Trafford, waxaana sida ay qortay Sky Germany’s Florian Plettenberg, kooxda ay xoojisay dadaalladeeda.

Plettenberg oo bartiisa X (hore Twitter) wax ku qoray ayaa sheegay in Manchester United ay si adag suuqa uga baadi-goobeyso weeraryahan cusub, isla markaana ay wadahadallo horey u galeen.

Wuxuu wariyuhu magacaabay afar weeraryahan oo ay Manchester United si gaar ah u la socdaan:

“Manchester United waxay dooneysaa inay weerarkeeda xoojiso xagaaga waxayna si adag suuqa uga raadineysaa ciyaaryahan. Wadahadallada hordhaca ayaa durba billowdeen.

“Bundesliga, Red Devils waxay si dhow ula socotaa Hugo Ekitike iyo Benjamin Sesko. Viktor Gyokeres iyo Victor Osimhen ayaa sidoo kale liiskooda ugu sarreeya.”

Gyokeres, Osimhen, Sesko, Ekitike… Yaa ku biiri doona Manchester United?

Gyokeres oo ka tirsan Sporting CP ayaa si weyn u yaqaan tababaraha kooxda Ruben Amorim, wuxuuna kasoo hoos ciyaaray tababarihiisii hore ee Lisbon, halkaasoo uu ku noqday weeraryahan heer caalami ah.

Qandaraaska uu Gyokeres kula joogo Sporting waxaa ku jira qodob dhigaya inuu baxo haddii la bixiyo €100 milyan, laakiin waxaa jirta heshiis u dhexeeya ciyaaryahanka, wakiilladiisa, iyo madaxweynaha kooxda oo u ogolaanaya inuu xagaaga ku baxo qiimo hooseeya.

Fabrizio Romano ayaa bishii Maarso sheegay:

“Qodobka lagu fasixi karo waa €100 milyan, sida ku cad qandaraaskiisa, laakiin waxaa jirta ballan dhex martay ciyaaryahanka, wakiilladiisa, iyo Sporting si loo ogolaado inuu ku baxo xagaaga qiimo ka duwan.

“Sidaas darteed, ma ahan €100 milyan (£84 milyan) sida uu ahaa qiimaha Janaayo, laakiin xagaaga waxaa la ixtiraami doonaa ciyaaryahanka oo ogolaaday inuu xilli kale sii joogo Sporting (2024/25) iyo inuu sii joogo Janaayo inkastoo Ruben Amorim uu baxay, markaas qiimaha waa ka duwan yahay.”

Rodrygo, Sancho, Salah, Van Dijk, Trent, Hojlund Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

(Fichajes).

Paris Saint-Germain ayaa indhaha ku haysa Van Dijk oo ay u soo bandhigtay heshiis ku dhacaya 100 milyan oo euro (Anfield Watch).

Wadahadalo heshiis kordhin ah ayaa u dhaxeeyay Liverpool iyo Luis Diaz bilihii lasoo dhaafay, iyadoo hogaamiyaasha Premier League ay doonayaan inay iska ilaaliyaan xiisaha Barcelona (Football Insider).

Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa aaminsan in Diaz la heli karo xagaagan isla markaana uu heshiis la gaadhi doono Liverpool dhamaadka xili ciyaareedkaan (SPORT).

Liverpool Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa si xoogan uga fiirsanaysa in ay lacag badan ugu dhaqaaqdo xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak iyaga oo wadahadalo la furay wakiilada xiddiga.

Isak ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican premier League isaga oo dhaliyay 58 gool 100 kulan oo uu u ciyaaray Newcastle.

Xiddiga reer Sweden ayaa dhaliyay gool kulankii ay Liverpool 2/1 kaga badisay final-kii Carabao Cup-ka.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin PSG, Arsenal Iyo kooxo badan oo kale.

Laakiin Hogaamiyayaasha Premier League ayaa Talaabo u qaaday saxiixa xiddiga iyada oo la xidhiidhay wakiilada xiddiga.

Atletico Madrid Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Liverpool Ee Julian Alvarez

Atletico Madrid ayaa xidhay wararka xanta ah ee Julian Alvarez la xiriirinaya Liverpool, iyadoo ku adkeysaneysa inuusan iib ahayn weeraryahanka Argentina.

Inkasta oo uu wakiilkiisu sheegay in ay suurtogal tahay in uu baxo, haddana agaasimaha ciyaaraha ee Atletico Carlos Busero ayaa si cad u sheegay in aanay jirin wax dalab ah oo rasmi ah oo ay heshay waxana ay beeniyeen wararka la xidhiidhinaya Liverpool.

Alvarez, oo dhaliyay 23 gool 44 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, ayaa loo arkaa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasha Diego Simeone.

Busero ayaa u sheegay 365scores”Hadalada ku saabsan in Liverpool ay soo gudbisay dalab rasmi ah si ay ula soo saxiixato ciyaaryahankeena Julian Alvarez waa been”ayuu yidhi.

“Kaliya waxa la hadal hayo waa hadalo xan ah”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay mawqifka kooxda, isagoo yiri, “Alvarez waa ciyaaryahan muhim ah oo muhiim u ah mashruucayaga, mana jirto wax niyad ah oo aan ku fasaxeyno”.

VoltiCard – Crypto Payments For Everyone

In the rapid world of digital finances, cryptocurrencies have become large strengths. However, the challenge remains: how are your encryption activities for daily purchases used? volticard is the solution. Volticard was developed for conventional cryptocurrency and user fans and offers encryption payments without problems, invoices and transactions in the world.

What is VoltiCard?

VoltiCard, available on Volticard.net, is a payment card with encryption with which users can generate their cryptocurrency everywhere. Whether you want to buy online, pay bills or use your digital resources in physical companies, Volicard allows it.

Features of the VoltiCard keys

With Volticard, you can easily convert and generate your cryptocurrencies. It offers options for virtual and physical cards with which you can choose how to administer transactions. The card is widely accepted, which means that it is possible to use it in countless online and offline positions where credit costs or conventional cards are accepted. Safety is also a priority to ensure that their funds remain protected at any time.

How to get a Volticard

Getting a Voltikard is easy, but it is necessary to approve. He must stop 200 -m -Volticard -ken in one of the three channels of compatible blocks to qualify for a virtual or physical river.

Passage of your Volticard application

First of all, make sure you have a 200 m volt token in its cryptographic letters. Then visit the official website and register. Choose if you want a virtual or physical card, complete the examination process and after approval, it starts with the voltisches process to make payments all over the world.

Why choose Volticard?

Volticard is characterized by many encryption payment solutions available for various reasons.

One of the greatest advantages is the speed and safety of transactions. You can make immediate payments without delays that are often connected to conventional banking systems. The platform also facilitates the integration of its cryptographic resources, which means that the conversion effort between the different currencies or the management of third party services is eliminated.

Another great advantage is the possibility of paying bills directly with the cryptocurrency. That the supply companies, purchases of rent or for rent online fill the gap between digital activities and effective use. Unlike some encryption payment solutions that are equipped with hidden rates, Volticard offers transparent prices with competitive transaction costs.

The card is also widely accepted because it works with important payment networks such as Visa and Mastercard. This makes it a comfortable option for users who wish to spend their cryptocurrency, in which traditional banking cards are accepted.

How to buy Volticard for Volcios

To qualify for a Volticard, it is necessary to have a token of 200 m of Volt. If you still don’t have it, you can buy them.

Start with the selection of an exchange of cryptocurrencies that admit the token volt. As soon as you purchased the required amount, transfer the tokens to your wallet. Connect your wallet to check Volticard.net and approach the Volticard phase.

Get your Volticard today!

The future of cryptographic payments is with Volticard. Whether you want to buy online, pay bills or use encryption for daily transactions, Volicard offers a safe, perfect and generalized payment solution.

Visit Volticard.net today and ask for your VoltiCard!

DEG DEG: Nabad sugida Qaranka oo goo-rdhaw u daatay goob Saraakiisha Alshabaab uu shir uga socday

Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw oo caawa ah waqti dambe in ciidamada Nabad sugida qaranka  weerar kadis ah ku qaadeen goob ay shir ku lahaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qaas ah islamarkaana  si qarsoodi ah ay ciidamada Dowladu u fuliyeen ayaa wararka horu  dhaca ah sheegayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran  ee Alfa-Group ay u daateen gudaha halkii shhirku ka socdsy .

Deegaanka Sumadaale oo ah halka Alshabasb lagu werraray wali wax faah faahin kama soo bixin balse waxay tilmaamayaan rasaastu socoto oo dadka deegaanku maqlayaan hugunta  madaafiicda.

Ciidamada Dowlada ee Alshabaab gudaha uuu galay halka shirka uu uga socdag

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Maxaad kala socotaa howlgalka Milateriga somalia ay ku laayeen koox Alshabaab ka tirsan 

Sida lagu shaaciyay raadiyaha ciidamada Dowlada Somalia Degaanka Daynuunay ee gobolka Baay waxaa saaka ka dhacay qorsheysan kaasoo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad.
Howllgalka ayaa lagu dilay 7 ka mid ah maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa deegaankaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

L/X/le Cabdi Raxmaan Nishow, ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalku uu u dhacay sidii loo qorsheeyey, islamarkaana ay ciidanku si guul leh uga soo laabteen. Wuxuu xusay in weerarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan gobollada Bay iyo Bakool.

Imisa Madaxweyne ayay Alshabaab isku dayeen inay dilaan

Siyaasiga Soomaaliyeed Cali Yarre oo mar soo noqday Gudoomiye ku xigeenkii Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isku soo duway inta jeer ee Alshabaab isku dayeen dilka Madaxweynayaashii Dalka Somalia soo maray.

Qoraalka uu soo diyaariyay Cali Yarre Cali ayaa sidan u qornaa:-

Laga soo billaabo 2006 tiro-ahaan 7 jeer ayay Khawaarijtu isku dayday in ay madaxweyne Soomaaliyeed dilaan wuxuuna midkiisii koowaad 17 Sept 2006 markii labo qarax oo isxigtay lala beegsaday AUN. Madaxweyne Abdullahi Yusuf oo ka soo baxay xarunta ADC ee Baydhabo.

Madaxweyne Shariif xaflad uu tagi lahaa, Fiyoore hortiisa la dhigay ayay mar qarax u galiyeen waxaana fashiliyay ilaalada madaxweynaha (Taariikhdii ma hubo)

Qarixii labaad ee ugu dhawaa wuxuu ahaa midkii Hotel Jazeera lagula eegtay Madaxweyne Xasan Sheekh September 2012 iyada oo madaxweynuhu dooran yahay wax ka yar 48 saacadood.

February 21, 2014, ayay cadowgu mar kale masaajidka madaxtooyada ku weerareen madaxweyne Xasan Shiikh waloow aanu masjidka joogin xilligaas oo aheyd intii aanu baran inuu mowlaca madaxtooyada ka soo dhex dagaalamo.

Kan Saddexaad wuxuu ahaa markii Khawaarijtu qorsheeysay dilitaanka Madaxweyne hore Farmaajo oo nimankii dili lahaa gaari uu nin Xildhibaan ah leeyahay lagu soo galiyay goobta kadibna ay sirdoonka soomaaliya heleen xogta dilka sidaasna loo fashiliyay.

Hal arrin doodi kama taagna waana inuu Xasan Shiikh yahay madaxweynaha ay Khawaarijtu ugu neceb tahay madaxda soomaalida.May be an image of 1 person and text that says "ST SOMALI TOLK MEDI MEDINEWS NEWS ANIGA IMA DILI KARAAN INTA WAQTIGEYGU DHIMAN YAHAY""
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS