Home Blog Page 90

VIP Indicators

In the world of today’s rapid movement, retailers are still looking for state tools to maximize their profits. VIP indicators are a platform that claims to offer large commercial tools to retail distributors. But is it worth the threshing of the media? In this detailed review, we analyze the VIP indicators, their functions, prices, users’ comments and if their promises are inserted.

If you are looking for a premium indicators system with which you can make better commercial decisions, continue reading to find out if the VIP indicators are the right option for you.

What are VIP indicators?
VIP indicators are a platform that deals with high quality technical indicators to improve their commercial strategies. It is designed for distributors, forex actions and cryptography that wish to improve their market analysis and their decision process. The platform claims to offer:

Exact commercial signals with which retailers can identify the purchase and sale options
Friendly tools that have also been developed for beginners and expert distributors
Compatibility of multiple resources, work with different markets such as forex, actions and cryptocurrencies
Adaptable indicators that allow traders to adapt the tools to their specific requirements
With these characteristics, VIP indicators are intended to help retailers reduce risks and increase their profitability.

Key features of VIP indicators
Extended algorithmic indicators
VIP indicators use Gon algorithms high to generate real commercial signals. These signals help dealers to make well -founded decisions based on market trends.

Recognition of trend and investment
One of the exceptional characteristics is the ability to precisely recognize trends and market reversals. This helps distributors to identify possible input and output points and reduce the risk of losses.

Compatibility with commercial platforms
VIP indicators can be integrated into popular commercial platforms such as MetaTrader 4, MetaTrader 5 and TrainingView. This guarantees that retailers can use these indicators with their favorite software.

Adaptation and warnings
Distributors can establish warnings and adapt the indicators according to their strategies. This allows greater flexibility during trade.

Risk management tools
The platform also offers tools that retailers can use to effectively manage risks. Functions such as arrest and contact suggestions guarantee that users protect their investments.

VIP indicator price and subscription plans
VIP indicators offer several subscription plans based on retailers’ requirements. Here is a ventilation:

The basic plan includes essential indicators and warnings for beginners
For Piano, it offers advanced indicators, recognition of the tendencies and real warnings
The VIP plan offers full access to all Premium indicators, commercial signals and priority customer service
The price is competitive compared to other premium commercial indicators available on the market.

Advantages and disadvantages of VIP indicators
Professionals
Precise and reliable commercial signals
Easy integration into MetaTrader 4, MetaTrader 5 and Trainingview
It works for forex, actions and cryptocurrencies
Gorgeable and user
Support risks management strategies
Disadvantage
The monthly subscription rate cannot correspond to all distributors
Requires knowledge of technical analysis to obtain the best results
A free version of tests is not available to test the indicators
Customer reviews VIP indicator
Most distributors who have used VIP indicators report positive experiences. Users appreciate the exact tools for the recognition of trends and risk management. However, some beginners find slightly complex indicators and require a learning curve.

Here are some customer reviews:

Said a forex distributor
A sharing distributor said that they like warning warnings of the trend because they help them manage companies more efficiently.
A cryptographic dealer discovered that you wanted a free trial version before not having engaged in a subscription
Is it worth VIP indicators?
If it is serious and needs advanced technical indicators, VIP indicators are a good option. It offers high quality signals, works with different commercial platforms and helps retailers to effectively administer risks. Although it requires a subscription, the value that costs predominate for most retailers.

Frequent questions through VIP indicators
Which markets can I exchange with VIP indicators?
VIP indicators admit forex, actions and cryptocurrencies, which makes it suitable for different traders.

Do VIP indicators work with MetaTrader 4 and MetaTrader 5?
Yes, the VIP indicators are compatible with MT4, MT5 and TrainingView.

How are the commercial signals?
VIP indicators use advanced algorithms to provide high precision commercial signals, but no indicator guarantees 100%precision.

Is there a free trial version?
Currently, VIP indicators do not offer a free trial version. You have to register to access your tools.

Can beginners use VIP indicators?
Yes, but beginners may need time to understand how the indicators are used effectively.

Do VIPs offer customer service?
Yes, indicated VIP

Dowlada Somalia oo ugu dambeyn qiratay in qaraxii maanta lala eegtay kolenyadii madaxweynaha galbineysay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu dambeyn qiratay in qaraxii maanta lala eegtay kolenyadii madaxweynaha galbineysay xili ay dhanka kalana Dowlsdu u diiday wariyayaasha in qaraxaasi khasaarihii shacabka ka gaaray la faahfaahiyo.

Warsazaafadeedka waxay Dowladu ku sheegtay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka bad baadeen qaraxa islamarkaana aanu jirin wax uu u dhimag ujeedna soxdaalkiisa.

Madaxweynaha wuu nabad qabaa sidiiloo qorsheeyay auuu socdaalkiisa u sii watay,kuna tagay halki uu u socday si nabad ah”ayaa lagu yiri warsafadeedka

Warka Dowlda waxaa lagu xusay kolonyda qaraxa lala eegtay saaka 10:30 ceel-gaabta oo madaxtooyada ku dhaw,sidoo kale Dowladu waxay sheegtay in qaraxa la fashiliyay islamarkaana dhankooda aanu khasaare gaarsiin.

Qaraxa oo shacab ay ku dhinteen ayaa lala eegtay wafdiga madaxweynaha xili saaka uu ku sii jeeday safarkii uu ku aadayay furimaha dagaalka ee Gobolada Hiiiraan iyo shaberlaba dhexe.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Xuuthiyiinta weeraray iidamada cirka ee Nevatim ee Israa’ii

 

 

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay ku weerareen saldhiga ciidamada cirka ee Nevatim ee Israa’iil iyaga oo adeegsanaya gantaal nooca balaastikada ah.

Afhayeenka militariga Xuuthiyiinta, Yahya Sariic, ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay saldhiga Nevatim la beegsadeen gantaalka ballistic ah ee loo yaqaano Falastiin-2.

Waxa uu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay ballaadhin doonaan beegsiga ay beegsanayaan Israa’iil haddii ayna joojin dagaalka Qasa.

Militariga Israa’iil waxay dhankooda sheegeen in gantaalka Xuuthiyiinta lagu soo riday nidaamka difaaca hawada ee Arrow isagoo ku jira hawada Sacuudiga.

Howladeenadii iyo Shaqaalaha Idaacada Risaala oo dib u helay xoriyadooda

Howladeenadii iyo Shaqaalaha Warbaahinta Risaala Media ayaa xoriyadooda dib u helay, kadib markii si sharci darro ah ciidamo ka tirsan Booliska ay xoog ku galeen oo albabaada isugu dhufteen xarunta Risaala.
Taliyaha Booliska G/Banadir Macallin Mahdi ayaa raaligelin siiyay howlwadeenada Risaala Media, isagoo ka cudurdaartay falkii lagu xiray Warbaahinta iyo xariga loo geystay Howlwadeenada.
Ciidamada falkan sharci darrada ku kacay waxaa hoggaaminayay taliyaha checkpoint-yada ninka lagu magacaabo Cabdi Cali.
Maamulka Risaala Media wuxuu ugu baaqayaa dowladda Soomaaliya iyo qeybaha ciidamada inay dhowraan xoriyadda saxaafadda, ayna ka waantoobaan inay sii socdaan falalka soo noqnoqday ee lagu beegsanayo warbaahinta madaxa bannaan iyo saxafiyiinta, intii lala xisaabtami lahaa kuwa shaqadoodi dayacay.

XIGASHO RADIO RISAALA

Gudiga Doorashooyinka oo shaaciyay inay heleen qalabkii doorashooyinka qof iyo cod

Gudoomiyaha yudiga doorashooyinka ayaa shaaciyay inay heleen qalabkii doorashada qof iyo cod lagu qaba

“Waxaan ku guulaysanay inaan diyaarino dhammaan agabkii aan ku qaban lahayn doorashada golaha deegaanka oo dhacaysa 30-Jun-2025” Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan.

Kooxaha Premier League Sidee kaalinta 11-aad ay Yurub ula macno noqon karto & tartanka loogu jiro Champions League

Sida kaalinta 11-aad ay Yurub ula macno noqon karto & tartanka loogu jiro Champions League

Tartanka loogu jiro boosaska Yurub ayaa ah sheekada ugu xiisaha badan ee xilli-ciyaareedkan Premier League, iyadoo la hubo in kooxaha Ingiriiska ay heli doonaan booska shanaad ee Champions League.

Guushii Newcastle ee Cruba Cup Axaddii waxay u xaqiijisay inay galaan isreeb-reebka Conference League – taasoo u gudbi doonta kooxda ugu sarreysa Premier League ee aan horey ugu soo bixin Yurub, haddii Newcastle ay usoo baxdo Europa League ama Champions League.

Arrintani waxay keentay su’aal ah sida boosaska Yurub ay u gaari karaan ilaa kaalinta 11-aad ee kala-sarraynta. Waa sida ay u dhici karto:

Liverpool, Arsenal, Nottingham Forest & Manchester City waxay u soo baxaan Champions League iyagoo afarta ugu sarreysa.

Newcastle waxay dhammeysaneysaa kaalinta shanaad, iyadoo helaysa booska dheeraadka ah ee Champions League.

Brighton waxay usoo baxaysaa Europa League iyadoo dhammeysaneysa kaalinta lixaad.

Bournemouth waxay ku guuleysataa FA Cup, taasoo ka dhigeysa inay u soo baxdo Europa League iyada oo joogta kaalinta toddobaad.

Chelsea waxay ku guuleysataa Conference League, taasoo ka dhigaysa inay usoo baxdo Europa League xitaa haddii ay ku dhammaysato kaalinta siddeedaad.

Aston Villa waxay ku guuleysataa Champions League, taasoo ka dhigaysa inay usoo baxdo tartanka xitaa haddii ay dhammeysato kaalinta sagaalaad.

Manchester United ama Tottenham waxay ku guuleystaan Europa League, taasoo ka dhigaysa inay u soo baxaan Champions League xitaa haddii ay dhammeysanayaan kaalinta 10-aad.

Haddaba, booskii Conference League ee Newcastle ay heshay ma heli karaan 10-ka sare, taasoo la micno ah in kooxda dhammeysa kaalinta 11-aad loo wareejin karo.

Man City: “Waxaan leenahay sagaal kulan, sagaal final”

Xilli-ciyaareedkii hore, Nottingham Forest waxay la halgamaysay sidii ay uga badbaadi lahayd heerka hoose.
Hase yeeshee, inkasta oo uu Nuno Espírito Santo kooxda ka dhigay mid u tartamaysa booska Champions League, ma doonayo inuu hore u fakaro.

“Waxaan diiradda saareynaa nafteena, waxaan dadaaleynaa intii karaankeena ah sababtoo ah weli waxaa dhiman kulamo badan,” ayuu yiri tababaraha reer Portugal.

“14 ka mid ah ciyaartoydeena waxay u baxayaan waajibaadka xulalka. Waxaan u rajeyneynaa wanaag, waxaana rajeyneynaa inay kusoo laabtaan si caafimaad qaba si aan safarkeenna u sii wadno.”

Yaa u soo baxaya Champions League?

Sida ay sheegtay Opta, oo falanqeysa fursadaha kooxaha, Liverpool waxay 100% u xaqiijisay booska Champions League, waxayna 99.25% u dhowdahay hanashada horyaalka.
Arsenal waxay haysataa 99.84% fursad ah inay gasho afarta sare, halka Nottingham Forest ay heysato 68.99% fursad ah.
Manchester City waxay leedahay 59.86% fursad ah inay u soo baxdo Champions League markeedii 15-aad ee xiriir ah.

Chelsea waxay leedahay 28% fursad, halka Newcastle ay 30.54% hayso. Laakiin waxaa jirta hoos u dhac weyn, iyadoo Brighton fursaddeeda ay tahay 7.21%, halka Aston Villa ay haysato 2.84%.

Sidee loo go’aamiyaa kooxaha dheeraadka ah ee Champions League?

Kooxaha Yurub waxay helaan dhibcaha “coefficient” oo lagu xisaabiyo waxqabadkooda Champions League, Europa League iyo Conference League. Dhibcaha waxaa lagu qeybiyaa tirada kooxaha horyaal walba uga qeyb-gala Yurub.

Haddii Premier League ay hesho 100 dhibcood, waxay noqonaysaa 14.28 marka loo qeybiyo 7 kooxood.

Xilli-ciyaareedkan, boosaska dheeraadka ah ee Champions League waxaa helay Bologna (Serie A, Italy) iyo Borussia Dortmund (Bundesliga, Germany), oo labadoodaba dhammaystay kaalinta shanaad horyaalkooda.

Haddii Ingiriiska uu helo boos dheeraad ah, waxaa loo siin doonaa kooxda ku dhammeysa kaalinta shanaad.

 

Arsenal oo bilaabeysa wada-hadallo cusub qandaraas kordhinta Saka

Saka wuxuu maqnaa tan iyo bishii December kadib markii uu laf dhabarka kaga taal ka jabay kulankii ay Arsenal kaga badisay Crystal Palace garoonka Selhurst Park – dhaawac ugu dambeyn keenay in qalliin lagu sameeyo.

Laakiin muhiimaddiisa kooxda Mikel Arteta ayaa wali shaki la’aan ah, iyadoo Arsenal ay diyaarineyso inay la kulmaan wakiillada ciyaaryahanka si ay uga wada hadlaan kordhinta heshiiskiisa.

Arsenal waxay dooneysaa inay ka fogaato wax hubanti la’aan ah oo ku saabsan mustaqbalka xiddigooda, waxaana ay doonayaan in ay Saka u saxiixaan heshiis dheer – taasoo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay mudnaanta siinayaan.

Xiddiga xulka England oo 23 jir ah wuxuu saxiixay qandaraaskiisa haatan sanaddii 2022, kaasoo la fahamsan yahay inuu yahay mid uu sannadkii ku helayo ugu yaraan £10m.

Laakiin heshiiskaas wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli-ciyaareedka 2026-27, waxaana horey loo bilaabay dadaallada lagu furo wada-hadallo rasmi ah, kuwaasoo la filayo inay si degdeg ah u socdaan mustaqbalka dhow.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa si dhow ula socon doona sida wada-hadallada u socdaan, maadaama Saka loo arko mid ka mid ah xiddigaha weerarka ugu wanaagsan Yurub.

Ka hor intii uusan saxiixin heshiiskiisii hore, Manchester City ayaa xiiseyneysay Saka, waxaana la filayaa in markale kooxo badan ay doonayaan haddii wada-hadalladu aysan si fiican u socon.

Laakiin Arsenal waxay rajeyneysaa in heshiis la gaaro, maadaama ay hadda ka mid yihiin kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League, halka sidoo kale ka qeyb-galkooda tartanka Champions League uu ka caawin karo in Saka uu mar kale qalinka ku duugo.

Haatan, Saka wuxuu diiradda saaraya soo laabashadiisa, kadib qallinkii lagu sameeyay.

Tababare Arteta ayaa sheegay in Saka uu fursad wanaagsan u haysto inuu ku soo laabto kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Arsenal kulankooda xiga waa mid ay la ciyaari doonaan Fulham garoonka Emirates Stadium 1-da April.

Saka maaha ciyaaryahanka kaliya ee Arsenal ee galay labo sano ama ka yar oo heshiiskooda ka haray.

Khadka dhexe Thomas Partey iyo Jorginho ayaa heshiisyadooda dhacayaan dhammaadka xilli-ciyaareedkan, waana la filayaa inay baxaan xagaagan sida hadda xaalka yahay.

Leandro Trossard, oo wadahadallo ka yeeshay heshiis cusub, heshiiskiisa haatan wuxuu dhacayaa xagaaga 2026.

Sidoo kale, xiddigaha William Saliba iyo Gabriel Magalhães – oo dhamaantood muhiim u ah Arteta – heshiisyadooda waxay dhacayaan 2027.

Saliba wuxuu bishan sheegay in wada-hadallo rasmi ah oo heshiis cusub looga hadlaya aysan wali bilaaban, balse wuxuu intaas ku daray: “Aniga aad ayaan halkan ugu faraxsanahay, waxaana doonayaa inaan halkaan sii joogo.”

Magalhães isna wuxuu wadahadallo ka yeeshay kordhinta heshiiskiisa. Daafaca reer Brazil ayaa la rumeysan yahay in xiiso uu ka heysto kooxaha ka ciyaara horyaalka Sacuudiga.

 

Madaxweyne Xasan oo gaaray Degmada Adan Yabaal

AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Taliyayaasha Ciidamada Milateriga,nabad sugida iyo siyaasiyiin sida Liban iyo sanatar Af-cadeey.

Madaweynaha waxaa lagu wadaa inuu la kulko Saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa dagaalka Alshabaab ka dhanka ah.

Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayuu Madaxweynuhu u gudbi doonaa halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa iyadoo uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweyne xigeenka Maamulka Hirshabelle.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Tababare Pochettino oo suurgal ah in markale majaraha u qaban doono kooxda Tottenham

Tababare Pochettino oo si weyn uga adkeyd sanadihii u dambeeyay in uu leeliyo kooxaha Yurub muddo laga jooga 10 bilood kahor, Wuxuu hadda diyaar u yahay inuu markale diyaarad u raaco Mareykanka si uu kooxdiisa ugu diyaariyo kulanka Panama ee semi-finalka CONCACAF, isagoo u diyaar garoobaya Koobka Adduunka ee sanadka soo socda, kaas oo Mareykanka martigelinayo isagoo la kaashanaya Mexico iyo Canada.

Laakiin nolosha Pochettino waxay si weyn uga duwanaan lahayd maalintan qorraxda leh ee London, halkaas oo kubbadda cagtu ay tahay kubbad cag, oo aan ahayn “soccer”.

Ka tagistiisa Chelsea kadib markii isaga iyo kooxda ay “si wadajir ah u heshiiyeen inay kala tagaan” waxay lama filaan ku noqotay qaar ka mid ah dadka, maadaama uu xilli ciyaareedkii dhammeystiray si adag isagoo Chelsea ku hoggaamiyay finalka League Cup, semi-finalka FA Cup, iyo booska lixaad ee Premier League oo ay ku heleen u-qalmitaanka Europa Conference League.

Kooxo iyo xulal kala duwan ayaa xiiseynayay, laakiin go’aankii ugu weynaa ee uu qaatay 12-kii bilood ee la soo dhaafay wuxuu ahaa inuu bishii Sebtember noqdo tababaraha xulka qaranka Mareykanka.

“Waxaa laga yaabaa in dadku ayan si sahlan u fahmi karin sababta,” ayuu yiri. “Waxaan filayaa in tababare qaran ama madaxa tababarka xulka Mareykanka, iyadoo la eegayo in Koobka Adduunka ee 2026 ay martigelinayaan, ay fursad weyn noo ahayd innagoo tababarayaal ah. Kadib sanado badan oo aan ka shaqeynaynay kooxo, waxay noo ahayd fursad weyn oo aan isku tijaabino, aan wax cusub ku baranno, oo aan u aragno sida loo sameeyo waxyaabo si ka duwan sidii hore.”

“Inaad martigeliso Koobka Adduunka waa waayo-aragnimo layaableh. Kadib marka aad fiiriso waddanka Mareykanka, waa wax cajiib ah. Waxaana jiray sababo badan oo wanaagsan oo keenay inaan qabto shaqadan, sababtoo ah Koobka Adduunku aad buu u dhow yahay – ma ahan afar sano sugitaan, waa wax ka yar laba sano.”

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay sababtoo ah waxaan filayaa in go’aanku uu sax ahaa, aad ayaan u raaxeysanayaa, waana mid xiiso badan in maalin kasta aad barato wax cusub oo aad la kulanto dareenno kala duwan. Waa shaqo gebi ahaanba ka duwan kuwii hore, waa sir qariib ah, laakiin waan ku faraxsanahay xaaladda aan hadda ku sugan nahay.”

Markii aan Pochettino weydiiyay inuu tababari lahaa xul kale haddii wararka la isla dhexmarayay ee xiriirka England la rumaysan karo, wuu yara hakaday kadibna wuxuu yiri:

“Wax walba waa arrin waqti ku xiran.”

“Waxaan la hadlayay Daniel Levy [Guddoomiyaha Tottenham], mar walbana wuxuu ii sheegayay in kubbadda cagtu ay tahay arrin waqti ku xiran. Wuxuu i dhihi jiray, ‘Mauricio, mar walba waxay ku saabsan tahay waqtiga saxda ah’.”

“Waa run sababtoo ah wuxuu leeyahay waayo-aragnimo badan oo kubbadda cagta ah. Waxaa sharaf leh inaad noqoto tababaraha xulka England, laakiin mararka qaar waqtiyada ma aha kuwo is waafaqaya – mararka qaar fursadda way iska baaba’daa.”

Dabcan, Thomas Tuchel oo isaguna horey Chelsea u soo layliyay ayaa helay shaqada, laakiin waxaa jira dareen ah in arrimuhu si kale u dhici kareen.

Markii uu Daniel Levy xusay, wuu i layaabay. Wali wuu xasuustaa xiriirkooda, inkasta oo Levy uu shaqada ka ceyriyay lix sano kahor.

Wuxuu yiri: “Maxaad ula yaabtay?”

Markaan u sheegay, “Sababtoo ah waa ninka shaqada kaa ceyriyay,” wuu qoslay oo wuxuu yiri:

“Waxaad kala saartay laba arrimood – xirfadeed iyo shakhsi. Mar walba waxaan u arkay xiriirkayagu mid aad u wanaagsan.”

“Wuxuu mar walba halkaas joogaa, wuxuuna sii ahaan doonaa. Laakiin go’aannada xirfadeed waa wax kale. Kadib lix sano oo aan Tottenham joogay, waxaan la kulannay waxyaabo badan oo kala duwan, waxaan u aragnay go’aankaas mid adag.”

“Si kastaba ha ahaatee, xiriirkayagu ma uusan xumaan, waan kala saarnay dhinaca xirfadeed iyo kan shakhsi ahaaneed, waxaana weli leenahay xiriir aad u wanaagsan.”

Haddaba, ma u malaynayaa inuu dib ugu laaban doono Spurs?

Wuxuu yiri: “Markii aan ka tagay Tottenham, waxaan xusuustaa waraysi aan siiyay oo aan ku sheegay in maalin uun aan jeclaan lahaa inaan ku laabto Tottenham.”

Wuxuu sii raaciyay: “Hadda waxaan joogaa Mareykanka, uma maleynayo inay sax tahay inaan hadda ka hadlo, laakiin dareen ahaan, waxaan wali dareemayaa in maalin uun ay suurtogal noqon karto. Sida Daniel [Levy] uu yiri, waa arrin waqti ku xiran.”

Hadda, Ange Postecoglou ayaa Spurs layliya, wuxuuna u gudbiyay wareega 8-da Europa League, isagoo garaacay AZ Alkmaar. Pochettino wali wuxuu si dhow ula socdaa kooxdaas, wuxuuna aaminsan yahay in kooxda loo baahan yahay in la siiyo waqti iyo kalsooni.

Wuxuu yiri: “Waxaan ka soo marnay Chelsea waxyaabo la mid ah, markaan la tacaaleynay dhibaatooyin badan bilowga. Haddii aad aadan haysan koox dhamaystiran, waxaad ku khasban tahay inaad raadiso wadooyin kale oo aad ku maarayso xaaladda, taasina waxay saamaysaa natiijadaada.”

“Ma ahan cudur daar, sababtoo ah kooxo kale way la kulmaan wax la mid ah, laakiin mararka qaar waxyaabahaas waa kuwo dhaca. Laakiin waxaa loo baahan yahay in la aamino kooxda. Waxaan u malaynayaa in Spurs ay hadda bilowday inay dareento jidka saxda ah si ay u bilaabaan guulo.”

Wuxuu garwaaqsaday dareenka taageerayaasha, wuxuuna si qiiro leh uga hadlay horumarka ay Spurs sameysay, sida garoonkooda cusub iyo xaruntooda tababarka.

Laakiin mustaqbalka, wuxuu rajeynayaa inay ku guuleystaan koobab si ay taageerayaashu ugu dabbaal-degaan.

Hadda, Pochettino diiraddiisa waxay saaraysaa Koobka Adduunka.

Wuxuu yiri: “Markii aan ka tagay Chelsea, waxaan mooday inaan ka baxayo cadaadiska iyo indhaha warbaahinta. Laakiin usbuucii hore, Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa cadaadis nagu saaray xilli uu booqday Aqalka Cad si uu ula kulmo Donald Trump.”

Wuxuu qoslay oo yiri: “Infantino wuxuu yiri, ‘Mareykanka wuu ku guuleysan karaa Koobka Adduunka’. Madaxweynaha [Trump] wuxuu waydiiyay, ‘Ma guuleysan karnaa?’.”

Haddii uu aniga si toos ah ii waydiiyo su’aashaas, Pochettino wuxuu yiri:

“Haa, Madaxweyne. Haddii aad naga taageerto, haddii taageerayaashu garab nagu siiyaan, wax walba waa suurtagal!”

 

Maxaad kala socotaa Dagaalka Saaka ka dhacay nawaaxiga deegaanka Laba-garas

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa noo xaqiijiyey in weerarkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay ay ku laayeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ee bartilmaameedku ahaa.

Saraakiisha ayaa sidoo kale Warbaahinta Qaranka u sheegay in weli ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijtii ay ku weerareen goobta ay isku aruursanayeen.

Dhinaca kale, waxaa Khawaarijta lagu jabiyay weerar naflacaari ah oo saakay ay isku dayeen inay ku soo qaadaan fariisin Ciidamada geesiyaasha ah ay ku lahaayeen duleedka deegaan lagu magacaabo Ceelbarwaaqo oo ka tirsan Sh/Dhexe, waxaana mar kale halkaas cadowga loogu dhigay cashir lama illaabaan ah.

- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS