Home Blog Page 91

DEG DEG: Alshabaab soo galay wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho iyo Dagaal xoogan oo socda Saaka

BALCAD(DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa xalay soo galay wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad taasoo sababtay dagaal saaka ka qarxay halkaasi.

Ciidamada Dowlada Somalia oo Balcad iyo xamar kala kala baxay ayaa la soo sheegayaa inay hareereeyeen kooxda Alshabaab oo dhexda ku jirta waxaana la soo sheegayaa inuu socdo saaka dagaal xooggan oo labada dhinac u dhexeeya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka xitaa hoobiyayaal la isku garaacayo oo xaaladu tahay mid adag.

Ciidamada Dowalda ee dhanka Balcad ka yimid waxay ka soo baxeen xerada Hiil-weyne oo Balcad ku dhaw halka kuwa kalana ay Muqdisho ka baxeen waxaana la isku hayaa nawaaxiga Garas-bintoow.

Wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Duqeymihii Jilib oo sababay cabasho ka timid Alshabaab iyo shacab-ka Magaaladaasi

JILIB (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya cabasho balaaran oo Alshabaab iyo shacabka Magaalada Jilib ay ka soo gudbiyeen weraradii cirka ahaa ee dhawaan lagu qaaday Magaaladaasi oo ah xarunta kooxda Alshabaab.

Muuqaalo muujinaya cabashada Kooxda Alshabaab iyo shacabka ayaa lagu baahiyay baraha bulshada waxaana ka mid nin kooxdaasi ka tirsan oo ka cabanaya duqeymaha xili sida uu sheegay lagu jiro bil Ramadaan.

Ninkaan oo ah nin Odey ah ayaa ka cabanaya in fuustooyin laga soo buuxiyay walxaha qarxa in cirka lagaga soo riday xili lagu jiro Bishii xurmada ee Ramadaanka sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale qaar ka mida dadka Magaaladaasi ku dhaqan oo Alshabaab iskala qabsaday ayaa iyagana ka cabanaya in mid ka mid duqeymaha uu gubay oo baabi’iyay suuqii Magaaldaasi.

“diyaaradaha caddowga ee arxaalawayaasha ah ee caddowga ah ayaa Jilib ku soo garaacay fuustooyin walxaha qarxa laga soo buuxiyay,anagu muslim baa nahay waxaana lagu jiraa bishii xurmada lahayd ee Ramadaan,iyagoo hurda ayaa dadkii gantaalo lagu soo garaacay,waa argagax gelin dadka la rabo in dhulkooda looga saaro”ayuu yiri ninkaasi odeyga ah ee Alshabaab u hadlay

Kooxda Alshabaab loogama baran inay baraha bulshada uga cabtaan duqeymaha kaga imaanaya Dowlada Somalia iyo saaxiibadeeda caalamka xili qaraxyada ugu badan Somalia ay iyaga markasta geytaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

Gaza Xalay Boqolaal Qof ayaa dhintay, 200 Ku Dhaawacmeen duqaynaha Oo Dib Uga Bilowday

Wax ka yar saac oo diyaaradaha iyo taangiyada Isr…l ay duqeymo ka wadaan marinka Qasa , dhimashada ayaa gaartay ilaa 300 qof , halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi, tiradan oo daqiiqad walba kordhaysa , sabab la xiriirta duqeymaha culus ee ka socda marinka Qasa.

Ururka Xm,s, wuxuu soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegeen inuu Netanyahu burburiyay heshiiska xabbad-joojinta Qasa, xilligaana ay wajahayaan maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan xaalad hubaanti la’aan ah, iyagoo dhexdhexaadiyayaasha ugu baaqay inay si dhaqso ah xaaladan usoo farageliyaan.

Warbaahinta Axios iyo telefishinka Israa’iil ee Channel 12, waxay xaqiijiyeen inay Isr,,,iil wargelisay Mareykanka ka hor duullaanka ay ku qaaday Qasa, tan oo ka dhigan inuu Trump siiyay Isr,,l oggolaanshaha inay dib u billaabaan duullaanka Qasa, halka diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo xiriir ah ka wadaan saacadihii u dambeeyay dalka Yemen! Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka ayaa iyagu dhankooda goobo kale duwan oo hawada Iran ah ku jira, sida laga soo xigtay warbaahinta Iran.

Iman Jama

Michail Antonio oo ka tirsan Kooxda Westaham oo wareysi bixiyey kadib shilkii ku dhacay”

Michail Antonio ma oga sida uu gaadhigiisa ugu dhacay geedka. Waxa kaliya ee uu ogyahay waa in uu dhacay.

“Boolisku way yimaadeen, markay i heleenna, waxaan ku jiray inta u dhaxaysa labada kursi. Xitaa kuma jirin kursiga darawalka,” ayuu xasuustaa.
“Waxay yidhaahdeen waxay u egtahay in aan isku dayayey in aan daaqadda ka baxo, laakiin lugtaydu si xun bay u jabtay, xanuunkuna wuxuu ii diiday in aan ka baxo.”

Shilku wuxuu dhaawac culus u geystay laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay West Ham ee Premier League, isagoo isbitaal ku jiray in ka badan saddex toddobaad lugta oo jaban darteed – taas oo bilow u ahayd safar adag oo uu ku soo kabsanayo.
Maanta, Antonio wuxuu ku adkaysanayaa in uu mar kale kubadda heer sare ah ciyaari doono, wuxuuna dareemayaa in la siiyay “fursad kale oo nololeed” ka dib markii uu aad ugu dhowaaday dhimashada.

Maxaa dhacay maalinta shilka?

Sabtidii, 7-dii Diseembar, waxay u bilaabatay sidii maalin caadi ah Antonio, iyadoo West Ham ay tababar u samaynaysay kulan horyaalka ah oo ay laba maalmood ka dib la ciyaari lahaayeen Wolves.

Wuxuu xasuustaa in cimiladu “dabeyl lahayd, roob lahayd, oo aad u xumayd” maalin ay Met Office soo saartay digniin ku saabsan Duufaanta Darragh.

Markii ay xaaskiisu weydiisay in uu alaab ka soo qaado gaarigooda kale, wuu caajisay, markaasuu Ferrari-giisa qaatay—gaarigaas oo uu shaki ka qabay.

“Dabada baabuurku way iga siibtay marar badan, mana dareemin badbaado,” ayuu yiri. “Waxaan haystay saddex toddobaad oo kaliya, haddana waxaan horey u qorsheynayay in aan iska celiyo.”

Go’aankaas ayaa wax walba beddelay, laakiin marka la weydiiyo waxa uu ka xasuusto shilka laftiisa—oo ka dhacay intii uu guriga ku sii socday—wuxuu ku jawaabay: “waxba.”

“Waxa yaab leh, maxaa yeelay intii ay waxani socdeen, waxaa la ii sheegay in aan toos ahaa oo aan la hadlay qof walba—booliska, dadkii goobta joogay, iyo qofkii i helay,” ayuu yidhi.

“Lugtaydu si xun bay u jabtay, way i soo saareen, waxayna dhinaca baabuurka iiga xireen qalab lagu toosiyo lafta.”

“Qof walba wuxuu u haystay in diyaaradda ambalaasta la igu qaaday, laakiin helikobtarku ma kici karin sababo la xiriira duufaanta, sidaas darteed ambalaas baa isbitaalka i geeyay.”

Saddex toddobaad ka hor, Antonio wuxuu booqday goobtii gaarigiisa la geeyay si uu u arko burburkiisa.

“Waxay dareen xun i gelisay. Waxay ii xaqiijisay sida aan dhimashada ugu dhowaaday. Waxaan arkay sawirro, laakiin marka aad dhab ahaan aragto, waxay 10 jeer ka xumaanaysaa sawirrada. Gaarigu burbur buu ku jirey. Aad bay ii dhibtay.”

Sidee u xun yahay dhaawaca Antonio?

Xusuustiisii ugu horreysay ee shilka kaddib waa mid gaaban oo Axaddii dhacday, markaasoo uu la hadlay saaxiibkiis qaaliga ah—wakiilkiisa Mike Appiason, oo si aad ah uga naxay.

“Waan burburiyey laftii femur-ka afar meelood oo kala duwan,” ayuu yidhi. “Waxaan maray hal qalliin yar (keyhole surgery). Waxay lugtayda geliyeen bir dheer oo ay afar boolal ku xireen si ay lafuhu isugu dhagaan.”

“Qalliinkii i sameeyay wuxuu yidhi saddex bilood ha saarin wax miisaan ah lugta, taasoo hadda laga joogo intii la ii sheegay, waxaadna arki kartaa in aan soconayo.”

“Waxa kale oo aan la tashanay khabiir kale oo yidhi waa in aan bilowdo in aan miisaan saaro lugta, laga bilaabo 10% ilaa 100% muddo saddex toddobaad gudahood ah.”

“Laakiin waxaan isticmaalayay ulaha caawiya socodka labo toddobaad oo dheeraad ah. Guud ahaan, waxay yiraahdeen in ay qaadan doonto lix ilaa 12 bilood in lugtaydu si buuxda u bogsato.”

Antonio wuxuu kaloo rabay in uu si cad u beeniyo wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in uu cabbay ama daroogo isticmaalay.

Wuxuu sharxay: “Waxaan ka imid tababar, daroogona waligay ma qaadan. Waxaan horey u sheegay in aan cabbid jecelahay. Laakiin xilligan, ma jirin wax daroogo ah, ma jirin wax khamri ah. Boolisku way xaqiijiyeen in aysan waxaas jirin.”

Antonio wuxuu horey uga hadlay sidii uu u isticmaalay daawaynta maskaxda si uu uga gudbo geeridii aabbihiis iyo burburkii guurkiisii hore, taasoo sababtay in aanu si buuxda ugu dabaal degin guushii West Ham ee Conference League 2023.

Marka la weydiiyay sida uu uga falcelin lahaa shilkan haddii aanu horey u marin daawaynta, wuxuu yidhi: “Maba sii wadi lahayn ama waxaan isku dayi lahaa in aan iska qariyo dareenka oo aan cadhaysnaado ama dagaalamo.”

“Tan iyo shilka, waxaan noqday mid dareen badan leh marka loo eego noloshayda oo dhan, laakiin waxaan dareemayaa in ay i caawisay. Daawaynta maskaxda waa mid ka mid ah waxyaabihii ugu wanaagsanaa ee noloshayda ku dhacay.”

 

Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa laga saaray xulka Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda.

Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa laga saaray xulka Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda.

Xiddiga 37-jirka ah ayaa ku soo laabtay safka hore ee Miami kulankii ay guusha ka gaareen Atlanta United, balse la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii Axaddii.

Kooxda Inter ayaa xaqiijisay in laacibka siddeed jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu qabo dhaawac fudud oo ah muruqa miskaha.

Messi ayaa horey loo nasiyay saddex ka mid ah kulamada Miami ka hor inta uusan kursiga keydka ka soo gelin oo uusan dhalinin gool kulankii ay guusha kaga gaareen kooxda Cavalier ee Jamaica, tartanka Concacaf Champions Cup.

Argentina waxay xaqiijin kartaa u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee sanadka soo socda haddii ay guulo ka gaaraan kulamadan, iyaga oo booqan doona Uruguay ka hor inta aysan martigelin Brazil.

Xulka Argentina ayaa hogaaminaya 10-ka kooxood ee isreeb-reebka Koonfurta Ameerika, iyaga oo shan dhibcood ka sareeya Uruguay oo kaalinta labaad ku jirta, halka Brazil ay todobo dhibcood ka dambeyso oo ku jirto kaalinta shanaad.

Lixda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu soo baxaya Koobka Adduunka 2026, halka kooxda ku dhamaysata kaalinta toddobaad ay u ciyaari doonto isreeb-reeb kale.

Ka dib 12 kulan, Messi waa gooldhaliyaha ugu sarreeya ee tartanka isagoo leh lix gool, taasoo tirada guud ee goolashiisa caalamiga ah ka dhigaysa 112, isagoo saftay 191 kulan.

Argentina sidoo kale ma heli doonto weeraryahanka Roma, Paulo Dybala, iyo daafaca River Plate, Gonzalo Montiel, oo labaduba dhaawacan.

Brazil-na waxay seegi doontaa Neymar oo horey uga garab ciyaari jiray Messi Barcelona, maadaama uu dhaawac bowdada ah ka soo gaaray, taasoo ka hor istaagtay inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka.

 

Kaptanka Liverpool Virgil Van Dijk Oo Caddeeyay Goorta Uu Mustaqbalkiisa Liverpool Go’aan Ka Gaari Doono

Virgil van Dijk oo shaaciyay goorta mustaqbalkiisa Liverpool la caddeyn doono xilli uu ku booriyay Reds inay dadaal badan sameeyaan si ay u hantaan horyaalka  Premier League kadib niyad-jabkii Carabao Cup.

Kooxda Liverpool ayaa la kulantay laba guuldarro oo xiriir ah toddobaadkii hore, iyagoo laga badiyay kulankii Paris Saint-Germain tartanka  Champions League iyo Newcastle United finalkii Carabao Cup, taasoo burburisay riyadoodii ahayd inay ku guuleystaan saddex koob.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Merseyside ayaa weli ah kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League, iyagoo 12 dhibcood ku hoggaaminaya miiska kala sarreynta. Kadib niyad-jabka labadan tartan, kabtanka kooxda Virgil van Dijk ayaa ku dhiirrigeliyay saaxiibadiis inay hubiyaan in xilli-ciyaareedkan uu dhammaado iyagoo  qaaday koob.

Markii looga badiyay Wembley, Van Dijk ayaa wariyeyaasha u sheegay:

“Waa inaan xaaladdan beddelnaa. Sidan ayay kubadda cagtu u shaqeysaa: muddo shan maalmood ah ayaad laba jeer guuldarreysan kartaa, markaas dunidu way kula beddel meysaa. Labo toddobaad kahor wax walba waxey ahaayeen iftiin iyo farxad. Champions League ma aanan gaarin heer fiican, Carabao Cup waan luminay, FA Cup na waa nala reebay. Waxaan heysanaa sagaal kulan oo nooga haray horyaalka, mana u malaynayo in dhiirigelin loo baahan yahay si aan u dhammeyno shaqada.”

“Waxaad u ciyaareysaa abaalmarinta ugu weyn ee aad si adag uga shaqeysay ilaa bilowgii xilli-ciyaareedka. Qofna ma filayn inaan u tartami doonno Premier League. Waa koobka ugu adag ee la heli karo. Wax badan ayaa miiska saaran. Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo aan filan karno. Waa inaan si adag u shaqeynaa si aan ugu guuleysano. Hadda ciyaartoy walba wuxuu aadayaa dalkiisa si uu u ciyaaro, waxaana rajeynayaa inay taam ahaadaan. Kadib waxaan isku diyaarin doonnaa kulanka adag ee Everton ee April 2.”

Difaaca reer Holland ayaa sidoo kale bixiyay warbixin ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool, isagoo yiri:

“Kahor dhammaadka xilli-ciyaareedka waxaa jiri doona war ku saabsan mustaqbalkayga. Intii aan si buuxda ugu heelanahay shaqada i hortaalla, isla markaana aan jeclahay kooxda, waa tan ugu muhiimsan. Waa sida ay tahay.”

XOGTA: Dagaal askar iyo shacab ay ku dhinteen oo Caawa Muqdisho ku dhexmaray NISA iyo Milateriga.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan goor dhaw oo caaws heleyno ayaa sheegaya in is rasaaseyn ay dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Somalia.

Dagaalkaan oo dhex-maray kuwa nabad sugida iyo sirdoonka NISA iyo Milateriga ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taal Degmada Yaaaqshiid ee Magaalada Muqdisho gaar ahaana nawaaxiga Isgoyska Sanca.

Dagaalkaan wuxuu sababay dhimashada 3 ruux oo 2 yihiin ciidamadii dagaalamayay halka qofka 3-aad uu yahay shacab.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 3 shacaba madaama bar koontaroolku ku yaalay xaafada dhexdeeda,waxaana la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Wali ma kala cada labada ciidan kan rasaasta bilaabay balse waxaa la ogyahay in ciidamada nabad sugida qaranka ee NISA gaar ahaan kuwa dhar-cadka ay xaafadaha dhexdooda amniga ka sugaan iyagoo koox koox u fadhiya gudaha xaafadaha Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Muxuu salka ku hayaa kulanka xasaasiga ah ee Ra’isukwasaaruhu maanta la qaatay Gudiga doorashooyinka

Muqdisho, Isniin, 17 Maarso 2025: — Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo dadka, una soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradaha iyo hey’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 13 people, table and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 5 people, people studying and newsroomMay be an image of 1 person, glasses and newsroomMay be an image of 1 person, beard and newsroomMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, studying, headscarf and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and text

Sheekadii dhexmartay Axmed Madoobe iyo janaraalkii Itoobiyaanka ahaa ee gacanta ku soo dhigay isaga oo dhaawac ah

=XIGASHO BBC SOMALI=Axmed Madoobe

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan” ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

Axmed Madoobe waxa uu ahaa taliye ka horyimid ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya si ay u taageeraan dowladii kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Taliska Raaskambooni waxaa sameeyay ururkii Al-itaxaad balse maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militeri.

Axmed Madoobe ma aheyn oo kaliya mas’uul weyn oo ka tirsan Al-shabaab ee sidoo kale mar ayuu ahaa qofka labaad.Axmed Maxamed madoobe

Axmed Madoobe waxa uu 1980-maadkii ku biiray ururka Al-itaxaad oo ah ururka dhalay Al-shabaab. 2006-dii ayey aheyd markii Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay maxkamadaha Islaamka qabsadeen.

Qaar ka mid ah xubnaha maxkamadaha Islaamka waxay doonayeen in ay dhisaan garab mintid ah iyagoo aaminsanaa in isbahaysiga maxaakiinta aysan dhab ka aheyn in jihaad la qaado kaddib sidaas ayaa lagu sameeyay Al-shabab. Axmed Madoobe waxaa loo doortay ku xigeenka ururka.

Korneel Gebre Ikbar Alemseged waa sarkaalka markii la qabtay isagoo dhaawac ah Axmed Madoobe geeyay Addis Ababa.

“Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbijab ah”, ayuu yiri korneel Gebre Ikbar Alemseged.

Korneelka waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka horkacayay laga soo bilaabo jubooyinka ilaa iyo Baydhabo.

Janaraal Gebre Dilla iyo korneel Gebre Ikbar oo ahaa taliyayaashii hoggaaminayay ciidamada Itoobiya ayaa sameeyay howlgal guuleystay oo lagu qabtay Axmed Madoobe.

“Waxaa nalagu amray in aan soo qabano oo aanan dilin” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray. “waxaan ku dadaalnay in aan qabano isagoo nool, wuxuu dagaallamayay ilaa uu ka dhaawacmo”. Ugu dambeyn Axmed Madoobe 8 xabadood ayaa ku dhacday waana la qabtay. Waxaa si halis ah loogu dhawacay magaalada Bardaale.

Sida korneelku sheegay kaligii ayaa ka badbaaday 8 nin oo dagaalka kula jirtay. Kornelka waxa uu sheegay in uu aha sida qof dhintay xiligaas. Isagoo u dhexeeyay geeri iyo nolol ayaa loo qaaday Addis Ababa.

“Aniga ayaa ku qaaday helikobtar oo geeyay Addis Ababa” ayuu yiri korneelka. Xiligaas wargeyska ka soo baxa Koonfur Afrika Mail iyo Guardian waxay qoreen in Itoobiya ay soo bandhigtay dhaawac Axmed Madoobe.

Xiligaas ragii la dilay waxaa ka mid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha fakarka Al-qaacida ee Bariga Afrika. Al-Sudani wuxuu aad ugu dhawaa Osama bin Laden, wuxuuna khabiir ku ahaa sameynta qaraxyda. Mareykanka si weyn ayey u doonayeen.

Korneel Gebre Egziyari iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.madoobe

Raysal wasaare Meles Zenawi ayaa sheegay in madaxda maxaakiimta intooda badan ay ka soo jeedaan ururkii Al-itixaad kaas oo dalkiisa khatar ku ahaa.

Ururka Al-itixaad ayaa weeraro ka fuliyay gudaha Itoobiya sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sagaashamaadkii kaas oo ay ku dhinteen 15 qof. Sidoo kale weerarada ay qaadeen waxaa ka mid ahaa kii lagu dili rabay 1996-dii wasiirkii gaadiidka Itoobiya, Cabdulmajiid Xuseen.

Labo sano kaddib ciidamada Itoobiya waxay Soomaaliya ka baxeen 2009-kii iyagoo sheegay in ay burburiyeen khatarta argagixisada. Inkastoo isbahaysigii maxkamadaha uu dhalay Al-shabaab oo awood hor leh noqday.

Saddex bilood kaddib qabashadii Axmed Madoobe waxaa sidoo kale la qabtay hoggaamiyihii Al-shabaab Ismaaciil Carraale. CIA-da Mareykanka ayaa ka qabtay Jabuuti isagoo xiligaa doonayay in uu galo dalka Ereteriya. Waxaa lagu xiray Guantanamo Bay. Waxaa la sheegay in Ismaaciil xabsiga lagu jirdilay. Al-shabab degdeg ayey uga jawaabtay qabashada madaxdeeda. Waxay magacaabeen madax kale.madoobe

Mudadii Axmed Madoobe uu Joogay Addis Ababa

Axmed Madoobe oo dhaawiciisa halis ahaa waxaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada ee Addis Ababa. Daaweyn degdeg ah ayuu helay.

“Dhiig badan oo dad Itoobiyaan ah leeyhiin ayaa lagu shubay” ayuu yiri safiirka isagoo dhoolacadeynaya, wuxuu sharaxay dhiiga lagu shubay oo ay ku deeqeen dad Itoobiyaan ah.

“Dhiig Itoobiyaan ah ayaa ku jira, geeri ayaa laga soo badbaadiyay, dadaal badan ayaa la sameeyay si uusan u dhiman”.

Labo sano ayuu joogay Itoobiya. “Inkastoo ay ku adag tahay hadana wuu ku hadli karaa afka Axmaariga” ayuu yiri safiirka.

Warbaahinta waxay sheegtay in uu xirnaa balse korneelka iyo safiirka way beeniyeen iyago osheegay in aysan taasi jirin.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa in aan ka dhigano saaxiib isbahaysi nala ah ee ma aheyn maxmuus. Arrinta Soomaaliya laguma xalin karo xarig” ayuu yiri safiirka.

Korneelka wuxuu sheegay in Axmed Madoobe lahaa cadow badan sidaasi darteena la difaacay.

“Reer iyo qoys la yaqaan ayuu ka dhashay, waa waalaalkeen ee ma aheyn maxbuus”

Kaddib markii la daaweeyay, Axmed Madoobe waxaa la dajiyay hoteel, si xor ah ayuuna magaalada u marayay. Sida korneelku sheegay xiligaas haweeney ayuu ku guursaday Itoobiya. “Dhabtii cunug ayaa loo dhalay”,

Ujeedka ugu weyn ee Addis Ababa u joogay Axmed Madoobe waxay aheyd in la beddelo jihadiisa.

Hoggaanka sare waxay dadaal ku bixiyeen in laga horkeeno Al-shabaab ama isabahaysi laga dhigto ayuu yiri korneelka.

Joogto ayuu ula kulmi jiray raysalwasaare Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo sidoo kale wasiirka caafimaadka Tedros Adhanom.

“In laga saaro fakarka xagjirnimada ma sahlaneyn” ayuu yiri korneelka oo intaas ku daray “Axmed Madoobe wuu ogolaaday fakarka isagoo sheegay in ay sax tahay”.

“Waa saaxiibkeen, si weyn ayaan u jecelnahay”

Axmed Madoobe ilaa markii Itoobiya lagu daaweeyay wuxuu ahaa saaxiib aad ugu dhaw Addis Ababa. Sidoo kale wuxuu saaxiib la noqoday Kenya. Itoobiya iyo Kenya taageero weyn ayey ku bixeen sidii uu ku noqon lahaa madaxweynaha Jubaland.

Mareykanka waxay doonayeen in loo soo dhiibo balse itoobiya ma dooneyn taas.

“Itoobiya ma dooneyn in la dilo ama la xiro” ayuu yiri korneelkaAxmed Madoobe

Maxay Mareykanka u doonayeen Axmed Madoobe

Mareykanka waxay weerareen dalal badan kaddib weeraradii dhismooyinka mataanaha ee New York. Lix sano kaddib geeska Afrika waxay ku qaadeen weeraro ay ku dileyso ama ku qabaneyso madaxda sare ee Al-qaacida. Waxay bartilmaameed ka dhigtay ururka Al-itixaad.

Ururkaas waxaa sameeyay Bin Laden oo ahaa markaas ganacsade Sucuudiyaan ah oo fadhiguus ahaa Sudan. Mareykanka waxay beegsaneyeen cid kasta oo xiriir la laheyd ururkaas.

Axmed Madoobe markii uu ka soo kabtay dhaawaca waxa uu yimid Jabuuti halkaas oo lagu qabtay shir laysugu keenay dhammaan kooxaha soomaaliya si loo dhiso dowlad qaran. Ururka IGAD ayaa kaalin weyn ka qaatay shirkaasi.

Korneel Gebre shaqadiisa waxay aheyd in uu ka dhaadhiciyo madaxda Soomaaliya in Axmed Madoobe uu qeyb ka ahaado shirkaas. Gabre xiligaas wuxuu joogay Jabuuti isagoo ahaa wakiilka Itoobiya ee IGAD.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna toos u aaday Kismaayo. Muddo kooban ayuu xildhibaan ahaa.

Safiirka wuxuu sheegay in xiriirka kala dhexeeyay Axmed Madoobe in uu ahaa mid ay dan ugu jirtay labada dhinac.

Xiriirka Itoobiya iyo Axmed madoobe wuu sii xoogeytay markii uu yimid raysalwasaare Abiy.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Booliiska Muqdisho oo u dhaqaaqay furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab+SAWIRRO

May be an image of 1 person and textTaliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Booliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaariijta.

“Khawaariijta Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad.
Ciidamada Booliiska ayaa helay Tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan si loo soo afjaro dhagarta Khawaariijtu kula kacdo Shacabka Soomaaliyeed.May be an image of 7 people and textMay be an image of textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 2 people, saxophone and clarinetMay be an image of 2 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of textMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of ‎1 person, crowd and ‎text that says "‎三意工 POLIY 90 DACE ICE PAICE אקלש‎"‎‎
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

book store near me

Murf AI

HOT NEWS