ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Dowlada Pakistan ayaa si toos ah u jabisay cunaqabateyntii Mareykanka uu saaray Dalka Iran kadib markii maanta Pakistan ay furtay lix waddo oo dhulka ah oo badeecooyinka lagu geynayo Iiraan.
Marerykanka ayaa ku soo rogay inaan wax ganacsi ah geli karin Iran islamarkaana waxna ka soo bixi karin si gaar ah Dekadaha Dalkaasi si uu cunuqabateyn dhaqaale ugu soo rago ganacsiga ay dunida la leeyihiin.
Wasaaradda ganacsiga Pakistan ayaa soo saartay in guud ahaan dunida badeecadaha ka imanaya ee loo rabo Iran in lagu soo dejin karo Dekadaha Dalka Pakistan kadibna dhulka ay ka gelin doonaan Iiran , go’aankaan Pakistan ay gaartay wuxuu ka dhashay kadib markii dhawan uu  booqasho ku tagay Islamabad wasiirka arrimaha dibadda Iiraan,Abbas Araghchi
Talaabada geesinimada leh ee Pakistan qaaday waxay Iran gaarsiisay inay kaga maaran naysan saameyn kala kulmin cunuqabateynta saaran.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
