XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa sheegay in tartanka Premier League uu soo af-jarmi doono haddii Gunners ay Axadda ka adkaato Chelsea.
Arsenal ayaa kulanka London Derby soo galaysa iyagoo 6 dhibcood ka sarreeya Blues, isla markaana sita labo guul oo waaweyn oo ay ka gaareen Tottenham Hotspur iyo Bayern Munich.
Haddii ay Arsenal guul ka keento Stamford Bridge, waxay farqiga ka dhigi doonaan 9 dhibcood oo nadiif ah iyagoo sii dheereysan doona hoggaanka horyaalka.
Merson ayaa u sheegay Sky Sports:“Tani waa Super Sunday. Chelsea vs Arsenal waa ciyaar aad u weyn.
Haddii Arsenal ay badiso, waxaan dhihi lahaa horyaalka nabad-gelyo, waayo wuu dhammaanayaa.
Lama qaban doono, waxayna burburin doonaan koox walba.”
XIGASHO LAACIB.NET
