XIGASHO LAACIB.NET
Paul Scholes ayaa si furan uga hadlay xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, Kobbie Mainoo, isaga oo sharaxay sababta uu tababare Ruben Amorim u xaqiro ama aanu ugu kalsoonayn.
Scholes wuxuu yiri:
“Anigana marar badan waan ka niyad-jabaa daawashada Manchester United, gaar ahaan marka ay timaaddo Kobbie Mainoo. Waa ciyaaryahan kasoo baxay naadiga, waana mid hal abuur leh. Waxaan rabnaa inuu kooxda ku jiro.
“Laakiin uma maleynayo in (Amorim) uu jidh ahaan xiddiga ku kalsoon yahay waqtigan. Casemiro inkasta oo uusan ahayn mid jidh ahaan xoog badan, haddana waa ciyaaryahan xeelad badan. Wuxuu garanayaa booskiisa, sanado badan ayuu ka ciyaaray koox la veer ah Real Madrid oo weyn, waxayna siisay khibrad.
“Kobbie weli khibraddaas ma helin. Runtii haddii Kobbie ciyaarayo, wuxuu u baahan yahay inuu ku ciyaaro saddex qad dhexe. Manchester United-na taas ma sameyso.”
XIGASHO LAACIB.NET
