XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa ku tilmaamay saxiixa Gianluigi Donnarumma ee Manchester City inuu yahay heshiiskii ugu weynaa suuqa kala iibsiga xagaagan.
Suuqa kala iibsiga Yurub ayaa si rasmi ah u xirmay fiidkii Isniinta, iyadoo ciyaartoy caan ah ay kooxo cusub u wareegeen – sida Alexander Isak, Samuel Chukwueze, Victor Boniface, Jadon Sancho iyo kuwo kale.
Donnarumma, oo ka yimid Paris Saint-Germain, ayaa City ku biiray maalintii ugu dambeysay suuqa qiime dhan £26 milyan, taas oo ay dad badan ku tilmaameen heshiis aad u jaban marka loo eego tayada goolhayahan heer caalami.
Scholes, oo hadalkiisa laga soo xigtay The Daily Mail, ayaa yiri:
“Donnarumma £26m waa inuu noqdaa saxiixii ugu fiican suuqa… dabcan marka laga reebo 14-ka ciyaaryahan ee Salford City ay saxiixatay.”
Goolhayaha reer Talyaani ayaa hadda ku biiray liiska xiddigaha ugu waaweyn ee Pep Guardiola, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyo Champions League.
XIGASHO LAACIB.NET
