XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Manchester United Paul Scholes ayaa shaki galiyay go’aankii kooxda ee suuqa xagaaga, isagoo sheegay inaysan wax “macno” ah samayneyn in la beddelo hal weeraryahan da’yar oo weli nolosha ku cusub, laguna beddelo mid kale oo isla heerkiisa ah.
Scholes ayaa hadalkan ku yiri podcast-ka “The Good, The Bad and The Football”, isagoo tusaale u soo qaatay Rasmus Hojlund iyo Benjamin Sesko.
“Eeg Rasmus Hojlund – waa wiil 22 jir ah, wuxuuna yimid markuu 20 jir ahaa,” ayuu yiri Scholes.
“Hal weeraryahan dhexe oo Manchester United ah, wax walbana dusha ayaa laga saaray, cadaadis badan, wuuna awoodi waayay inuu wax la yimaado. Wuxuu ahaa ciyaaryahan da’yar oo u baahan waqti, mararka qaarna la nasiyo. Waa in ay kooxda haysataa saddex ama afar weeraryahan oo la isku beddeli karo.”
“Markii xagaaga la gaaray, maxay sameeyeen? Way fasaxeen Hojlund, waxayna soo iibsadeen mid kale oo isla noocaas ah — Benjamin Sesko, 22 jir! Wuxuu ku billowday si fiican, wuxuuna u muuqdaa inuu horumarayo, laakiin halkee ayuu fikir noocaas ka shaqaynayaa?”
Sesko ayaa hore u dhaliyay laba gool toddobadii kulan ee Premier League ee uu ciyaaray, halka Hojlund uu laba gool dhaliyay afar kulan oo Serie A ah iyo laba gool kale oo Champions League ah isagoo u ciyaaraya Napoli.
Inkasta oo uu Hojlund si rasmi ah ugu baxay amaah, haddana wararka ayaa muujinaya inuusan mustaqbal fog ku lahayn Manchester United.
XIGASHO LAACIB.NET
