HomeCiyaarahaPaul Scholes oo si kulul u shaaciyay khaladka ugu weyn ee uu...

Paul Scholes oo si kulul u shaaciyay khaladka ugu weyn ee uu Ruben Amorim ka galay Bruno Fernandes!

XIGASHO LAACIB.NETHalyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa shaaca ka qaaday isbeddelka ugu weyn ee loo baahan yahay in tababaraha kooxda Ruben Amorim uu hirgeliyo, isagoo sheegay in ciyaaryahanka ugu muhiimsan kooxda, Bruno Fernandes, uu ka daalay kaalinta uu hadda  ciyaaro.

Scholes oo ka hadlayay barnaamijka Sky Sports ee The Good, The Bad and the Football, ayaa ku dooday in Fernandes laga ciyaarsiinayo meel uusan kusoo baxeyn, taas oo ka qaadaysa tayooyinkiisa ugu muhiimsan ee hal-abuurka.

“Fernandes mar walba wuu dadaalayaa, laakiin booskan oo u baahan shaqo difaac ma aha booska uu ku fiican yahay. Wuxuu kusoo baxaa lambarka 10 ee dabiiciga ah, waxaana la dhimay awooddiisa saameyn ee ciyaarta,” ayuu yiri Scholes.

Fernandes ayaa tan iyo imaatinkiisa Old Trafford noqday maskaxda hal-abuurka kooxda. Xilli-ciyaareedkii 2024–25 wuxuu diiwaangeliyay:

19 gool

19 caawin

57 kulan tartamada oo dhan

Si kastaba, bandhiggiisii ugu dambeeyay ayaa hoos u dhacay, iyadoo la sheegay inuu ku dhibtooday inuu ciyaarta saameyn ku yeesho ka dib markii loo jiiday boos qoto dheer oo khadka dhexe ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -