LAACIB.NET
Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Pedri ayaa sheegay in El Clásicada sanadkan uu ka duwanaan doono kii xilli-ciyaareedkii hore, maadaama labada kooxood – Barcelona iyo Real Madrid – ay ciyaari doonaan kubbad cadaadis sare leh.
Wareysi uu bixiyay ayuu Pedri ku yiri:
“Marka loo eego sanadkii hore, waxaan aaminsanahay in markan Clásico-dan uu noqon doono ciyaar ay labada kooxba cadaadis isa saari doonaan.”
“Tan iyo markii Flick yimid, waxaan u hoggaansannahay falsafaddeenna: cadaadis sare, kubbad hayn, iyo xakameynta ciyaarta annagoo kubbadda haysanna.”
Pedri wuxuu sheegay in Real Madrid iyaguna ay u badan tahay inay cadaadis billaabaan maadaama ay ku ciyaarayaan Santiago Bernabéu:
“Waxaan filaynaa in Madrid ay sidoo kale soo baxaan iyagoo cadaadis na saaraya, gaar ahaan gurigooda oo ay had iyo jeer isugu dayaan inay ku xakameeyaan qaabka ciyaarta.”
Pedri, oo ah ciyaaryahan si fiican u fahma dhinaca farsamada iyo makaanikada ciyaarta, wuxuu si muuqata u baranayay qaabka uu Xabi Alonso u maamulo Real Madrid.
Dhab ahaantii, Real Madrid xilli-ciyaareedkan waxay soo bandhigtay qaab ciyaareed ka firfircoon oo ka degdeg badan kii ay ku ciyaari jireen waqtigii Carlo Ancelotti.
XIGASHO LAACIB.NET
