HomeCiyaarahaPep Guardiola oo bannaanka keenay hal sir oo Arteta Iyo Arne Slot...

Pep Guardiola oo bannaanka keenay hal sir oo Arteta Iyo Arne Slot u sahleysa iney hantaan Premier League xilli ciyaareed-kaan

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in Mikel Arteta uu ku guuleysan karo horyaalka Premier League maadaama lacag faraha badan uu ku bixiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda – ma aha shaqo adag ama xirfadda ciyaartoydiisa.

Guardiola oo la hadlayay saxaafadda ka hor safarkooda garoonka Emirates ee toddobaadkan, ayaa tilmaamay in kooxaha sida Arsenal ay helaan daryeel ka jilicsan midka ay City la kulanto marka loo eego lacagta ay ku bixiyeen suuqa.

“Waxaan rabaa inaan u sheego saaxiibkey Mikel Arteta, haddii uu ku guuleysto horyaalka, waxay noqon doontaa oo kaliya hal sabab, waana lacagta badan ay kharash gareeyeen, ma ahan sababtoo ah shaqo badan ayuu qabtay ama dadaal ciyaartoydiisa ah,” ayuu yiri Guardiola.

“Waa sida Liverpool. Haddii Arne Slot guuleysto markale, waxay noqon doontaa in lacagtii badneyd uu kharash gareeyay ay miro dhashay. Sax? Ma ahan oo kaliya City oo sidaas sameysay, koox walba waa sidaas.”

Arsenal ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku qarash gareysay £300 milyan ciyaartoy cusub, taasoo wadarta guud ee kharashkooda tan iyo xagaagii 2021 ka dhigaysa in ka badan £900 milyan – lacag taas oo wax yar ka badan tii ay City qarash garaysay isla muddadaas.

Hadallada Guardiola ayaa imaanaya iyadoo uu muran weyn ka jiro cadaaladda dhaqaale ee lagu dabaqo kooxaha waaweyn, gaar ahaan marka la eego sida ay u wajahayaan xeerarka dhaqaale ee Premier League.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -