HomeCiyaarahaPep Guardiola oo bannaanka keenay sababta ugu wayn ee loo ceyriyay Amorim

Pep Guardiola oo bannaanka keenay sababta ugu wayn ee loo ceyriyay Amorim

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa muujiyay dareen naxariis leh ka dib markii shalay shaqada laga ceyriyay Ruben Amorim, isagoo ku sifeeyay saaxiibkiisii ay deriska ahaayeen inuu yahay “tababare heer sarre ah” (top manager).

Isagoo maanta oo Salaaso ah, la hadlayay saxaafadda ka hor kulanka Brighton, Guardiola wuxuu xusay in dhibaatada ugu weyn ee haysata tababareyaasha casriga ah ay tahay waqtiga oo ku yar, isagoo tusaale u soo qaatay Enzo Maresca oo isna dhowaan laga ceyriyay Chelsea.

Guardiola ayaa difaacay Amorim isagoo tilmaamay in Manchester United ay dhibco muhiim ah ku lumisay kulamo ay awoodi kartay inay guuleysato, kuwaas oo haddii ay heli lahaayeen ka dhigi lahaa kuwo u dhow Arsenal oo hadda horyaalka hoggaaminaysa.

Wuxuu xusay saddex barbardhac oo ay United garoonkeeda Old Trafford kula gashay kooxaha Everton, Bournemouth, iyo Wolves inay ahaayeen kuwo saameyn weyn ku yeeshay masiirka Amorim.

Pep ayaa yiri: “Haddii aadan natiijooyin helin, wax macno malahan waxaad hore u qabatay ama hadda. Waxaa laguugu shaqaaleysiiyaa fikradahaaga, waxaana laguugu ceyriyaa natiijooyinka.”

Sidoo kale, Pep ayaa carrabka ku adkeeyay in Manchester United ay hadda wajaheyso dhibaatooyin dhaawac iyo maqnaanshaha ciyaartoydii u ambabaxay tartanka AFCON, taas oo la mid ah dhibaatada uu isagu hadda ku qabo Manchester City.

Waxaa xusid mudan in maamulka United ay go’aanka ceyrinta Amorim gaareen ka dib markii ay is-khilaafeen agaasimaha ciyaaraha, Jason Wilcox, habka loo maamulayo kooxda, iyadoo barbardhacii 1-1 ee Leeds uu noqday dhibicdii ugu dambaysay ee soo afjartay waayihiisa 14-ka bilood.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -