HomeCiyaarahaPep Guardiola oo kashifay sababta Bernardo Silva uu uga muhiimsan yahay xiddigaha...

Pep Guardiola oo kashifay sababta Bernardo Silva uu uga muhiimsan yahay xiddigaha kale ee City.

=XIGASHO LAACIB.NET=

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa mar kale si cad u muujiyay sida uu ugu tiirsan yahay kabtankiisa Bernardo Silva kadib guushii 3-0 ay ka gaareen Fulham.

Guardiola ayaa yiri: “Waa ciyaaryahan aan la beddeli karin. Marka uusan Bernardo joogin, waa inaan nidaam kale ciyaarnaa.”

Wuxuu sharaxay in Silva uu cadaadis saaro goolhayaha, ka caawiyo Rodri dhisidda weerarka, mararka qaarna u wareego garabka midig si uu karoos u sameeyo ama baasaska goolka  lagu dhaliya bixiyo, sida uu sameeyay kulankii Anfield.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Silva ee Man City ayaa dhacaya xagaagan. Inkastoo Guardiola uusan qarin rabitaankiisa ah inuu sii hayo kabtanka, haddana wararka ayaa tilmaamaya in mustaqbalkiisa kooxda uusan weli caddeyn.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay taageerayaasha City, maadaama Silva uu laf-dhabar u yahay qaab ciyaareedka kooxda.

=XIGASHO LAACIB.NET=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -