XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa qirtay in Arsenal ay si dhab ah ugu biirtay tartanka horyaalka Premier League isla markaana ay noqon karaan kuwo “ Ay adkaan doonto in la qabto” haddii ay sii kordhiyaan hoggaankooda miiska.
City ayaa fursad u heli karta inay farqiga dhibcaha hoos ugu dhigto hal dhibic marka ay Sabtida booqdaan Newcastle United.
Ka hor kulankaas, Guardiola wuxuu ka digay muhiimadda ay leedahay in kooxdiisu ay la jaanqaado Arsenal, kuwaas oo Axadda martigelinaya Tottenham Hotspur.
Guardiola oo ka hadlayay Gunners ayaa yiri:“Arsenal waa koox aan khalad lahayn. Haddii ay ku sii fogaadaan dhibcaha, waxay noqon doontaa mid ay adag tahay in la qabto.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxay noqon kartaa sidii xilli ciyaareedkii hore ee Liverpool oo kale.”
Xilli ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa ku dhammeysatay 10 dhibcood oo ay Arsenal ka sareeyeen, taas oo Guardiola u arko tusaale cad sida farqiga dhibcaha ee hore loo sameysto uu u adkaan karo in la jebiyo.
XIGASHO LAACIB.NET
