Hay’ada ciidanka sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaysa PMPF ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan qarax 2aad oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Puntland iyo ganacsiyadooda ee magaalada Boosaaso.

Qaraxaan oo xogtiisa ay haysay hay’ada sirdoonka ee PISF ayaa waxaa soo maleegay kooxaha argagixisadaha ee waqtigoodu dhamaadka yahay.

Advertisement

Waa qaraxii 2aad ee ciidamada Amaanku ay fashiliyaan, waxayna ku daba-jiraan kana hortagayaan talaabo kasta oo cadawgu doonayo in shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Kooxaha argagixisada ah ayaa isku dayaya in ay waxyeelo gaarsiiyaan shacabka Puntland iyo ganacsiyadooda, balse ciidamada Amaanka ee naftood hurayaasha ah ayaa markasta u taagan inay ka hortagaan, gacantana kusoo dhigaan.

XIGASHO WARBAAHINTA SIRDOONKA PUNTLAND EE PISF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here