HomeWarkiiPoland oo mar kale heegan gelisay ciidamadeeda Cirka xili ay ka cabsi...

Poland oo mar kale heegan gelisay ciidamadeeda Cirka xili ay ka cabsi qabaan weerar kaga yimaada Ruushka

epa12315708 German military personel inspect the area of a meeting between Polish and German Air Force inspectors at the 23rd Tactical Air Base in Minsk Mazowiecki, Poland 21 August 2025. Germany’s Luftwaffe sent five Eurofighter EF-2000 Typhoon jets to Poland to support Polish air defences. EPA/Leszek Szymanski POLAND OUT

WARSAW (DAYNIILE.COM)-Difaacyada cirka ee Dalka Poland iyo xulafada NATO ayaa mar kale heegan la geliyaysi loo sugo hawada dalkaani, xilli Ruushku uu duqaymo cusub oo halis ah ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Hawlgalkii ugu dambeeyay ee Axadii ayaa ku soo beegmaya iyadoo ururka amniga transatlantic-ka NATO ay kordhiyeen roondooyinka hawada ee gobolka oo dhan si ay uga jawaabaan duulaanka hadii hawada Poland uu ku soo xad-gudbo Ruushka, iyadoo dhawaan ay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Ruushka lagu arkay dhowr wadan oo xubno ah Gaashaanbuurta NATO.

“Diyaaradaha Polish iyo xulafada ayaa ka hawlgalaya hawadeena, halka dhulkana ay diyaar ku yihiin difaaca hawada ee nidaamyada sahaminta raadeer-ka kuwaasoo ku dhisan heerka ugu sareeya ee diyaargarowga,” ayaa lagu yiri War barta X ay soo dhigeen taliska hawlgalka Poland Axadda maanta ah.

“talaabooyinka aan qaadeyno waa kuwo dabiici ah oo aan kaga hortageyno weerar kasta oo nalagu soo qaado, waxaana lagu sugayaa hawada iyo ilaalinta muwaadiniinta, gaar ahaan meelaha ku dhow dhow Xuduuda,” ayaa mar kale lagu yiri walka ka soo baxay Ciidamada Cirka Dalka Poland

Milateriga Poland ayaa sheegay in ay isha ku hayaan xaaladda hadda jirta, iyaga oo sheegay in ciidamadooda ka amar qaata ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan wixii weerar ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -