Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegaya in goor dhawayd uu halkaas ku geeriyooday Prof. Maxamed Cabdi Gandhi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in Prof. Gandhi uu maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa ispitaal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Gandhi uu u dhintay Xanuunka Covid 19 oo uu maalmahan la xanuunasanaa.

Waxa uu ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda isirka Soomaalida, wuxuuna haystay laba shahaado oo PhD ah.

Sidoo kale Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here