Muqdisho (dayniiile.com)-Gudoomiyihii hore ee Jaamacada Ummada Prof. Xasan Cumar Mahadala oo markii xilka laga qaaday weerar afka ah ku qaaday Dowlada Soomaaliya ayaa edeyn u jeediyay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Masuulkaan hore wuxu ka dhawaajiyay in dalku lahayn wax ciidamo nabad sugid ah ama sirdoon isagoo si weyn u dhaliilay qaabka ay u shaqeeyaan.

Advertisement

Xasan Mahadallah wuxu sheegay intii uu joogay Jaamacada inuu dhowr mar ciidamada siiyay warbixin ku saabsan dad uu ka shakiyay balse sida uu sheegay Nabad sugidu ku tiri warqad soo qor tag saldhiga.

“ma waxaasaa nabad sugid la dhihi karaa markaan warbixin ka siiyo dad laga shakiyay anigeya igu soo celinayaan warqad qoro xaga tag Foom soo buuxi”ayuu yiri Xasan Mahadallah.

Tv-ga Universal oo wareysanayay Gudoomiyihii hore ee Jaamacada Prof. Xasan Cumar Mahadala ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Nageeye Cali Khaliif oo Macalin ka aaa Jaamacada Ummada,wuxu sheegay in Nageeye uu qaadan jiray mushaar dheeraad ah.

“ma aqaan sababta laakiin waxaan ogahay inuu marna qaadan jiray 1800 marna 1900 ma fahmin cida naas nuujineysay”ayuu yiri

“Dalku malaha Ciidan Sirdoon,Nageeye Khaliif wuxuu qaadan jirey mushaar dheeraad ah”ayuu mar kale  yiri Prof. Xasan Cumar Mahadala.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo
Next articleNinkii Hooyadiis ku dilay Kismaayo oo Maanta Dil lagu xukumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here