MUQDISHO (DAYNIILE.COM)– Prpf.Yaxye Sheekh Caaamir oo ka mida Aqoonyahanada Somaliyeed ayaa ka hadlay warka ka soo baxay Maamulka Puntland kaasoo ay ku sheegeen inay xiririla u jareen dowlada Somalia.

Prof.Yaxye Sheekh Caamir wuxuu sheegay in Puntland awood u lahayn inay xiriirka u jarto Dowlada balse taas cagsigeeda Dowlada ayaa xiriirka u jari karta Maamulka Punland.

Advertisement

“Puntland iyadaanba Dowlada ka maarmin oo dhibac kasta kaga baahan”ayuu yiri Prof.Yaxye Sh.Caamir.

Aqoonyahan Yaxye Caamir wuxuu tusaale usoo qaatay in Dowladu maamusho dhul,bad iyo cirba sidaas daraadeed aysan Puntland ka maarmin Dowlada.

“Dowladu waxay xiri kartaa  dekada iyo garoomada diyaaradaha Puntland iyo waliba in shaqsi aysan raali ka ahayn uusan booqan karin Puntland”ayuu yiri Ptof.Yaxye Sheekh Caamir.

Aqoonyahankaan wuxuu intaas ku daray in Pasporka ay Dowladu maamusho sidoo kale hadii Puntland xoolo u dhoofineyso sacuudiga ay warqad caafimaad kaga xiran tahay Muqdisho gaar ahaa  wasiirka xanaanada Xoolaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSarkaal Alshabaab ka tirsanaa oo Dowlada isku soo dhiibay+SAWIRRO
Next articleArdey laayay Caruur iskuulka la dhiganaysay Magaalada Vantaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here