Proff Xuseen Iimaan oo ka mid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii wax ka go’aamiyay in beelaha 5-aad .5 wax ku qaataan shirkii Carta sanadkii 2000 isagoona si cad u sheegay inay ahayd xal wax loogu raadinayay beelahaasi inay Soomaalida kale Dowladnimada wax kula qeybsadaanm.
“kuwa hada .5 wax ku qaata hadey intaas heleen Alle ha u mahadceliyaan, Digil iyo Mirifle iyaga xataa way ku sigteen inay haaf wax ku qaataan” ayuu yiri Proff Xuseen Iimaan
Aqoonyahnkaan wuxuu si cad u sheegay in shirkaasi Carta wax lagu kala qaadanayay yaa hub iyo ciidan leh,wuxuu intaasi ku daray in hada xitaa hadii ay sii wadaan cabasshada inay inta waayi doonaan inta yar ay heystaan.
“Digil iyo Mirle laftigiis .5 u geli lahaa maxaa Alle ku bixiyay ma taqaaniin RRA ayaan sameynay oo kuwii xooga nagu heystay waan soo shabinay,daba jeexyadeena iyo aakaheena ayaan miiska soo saaranay”ayuu mar kale yiri Aqoonyahanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
