Puntland ayaa soo saartay sharuudo cusub oo ay ku xirtay ka qeyb-noqoshada geedi socodka doorashada, waxaana kamid ah qodobada sharuudaha ah.

1. In labedelo taliyayaasha ciidamada dawladda Federaalk, Qeybaha Milateriga iyo Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaran Fahad Yaasiin.

2. In go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.

3. In guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro dhacdooyinkii dhacay 19-kii bishan Feb.

4. In saami-leyda siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ay qeyb ka noqdaan geedi socodka kulamada oo laga qeybgaliyo.

5. Beesha Caalamka ay damaanad qaado fulinta Heshiisyada doorashada (April 2016-kii Saxiixayaal Heshiiska).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here