GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo ka dhan ah Alshabaab kaasoo ay Milatarigoodu ku qaadayaan Buuralayda Calmadow ee Gobolka Sanaag xili ciidamadu ku jiraan diyaar garowgooda ugu danbeeya.
Howlgalkaan cusub ayay Puntland galeysaa xili wali aan la soo gabagabeyn howlgalkii Daacish ay kula jireen, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabillaahi Dani oo arimahaan soo hadal qaaday ayaa sheegay in hawlaglkii Daacish ka dhanka ahaa ee loogu magac daray Hilaac muddo dhow la ogaan doono in uu soo afjarmay iyo in wax u harsan yihiin.
“Waxaan rajaynaynaa in aanu jirin qof Daacish ah oo wali god ku jira, waxaan rajaynayaa, in hawlaglkii Hilaac muddo dhow la ogaan doono in uu soo afjarmay
Dhanka kale mar uu ka hadlayay howlgalka cusub ee ay ku qaadayaan Calmadow,wuxuu sheegay inuu socda diyaargarow.
“Cidammadii duulaanka ku qaadi lahaa Calmadow waa la diyaarinayaa, qorshayaashii dawladdu waa ay socdaan” ayuu yiri
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
