Waxaa Maanta Magaalada garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka furmay shir lagu dhameystirayo colaaddii ka dhacday degaannada Saax-maygaag iyo Senge-jebiye  oo ka kala tirsan goballada Nugaal iyo Sool.

Shirkan oo qaban qaabadiisa uu leeyahay maamulka Puntland ayaa waxaa goobjoo ka ah min 21 xubnood oo ka kala socda dhinacyadii colaaddu dhexmartay , waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad goboleedka Puntland oo hsirka ka qeyb galay ayaa dhinacyada ugu baaqay inay dhaqan geliyaan go’aannada shirka kasoo baaya, si loo soo afjaro colaada labada Beelood oo ah mid soo laab laabatay.

Horay ayaa waxaa shirkaan shirar lamid ah waxaa loogu qabtay degaannadii lagu dagaalamay ee Saax-maygaag iyo Senge-jebiye , kuwaas oo laga soo saaray go’aano keenay in dagaalkii u dhaxeeyay labada maleeshiyo Beeleed uu joogsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here