Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay ina ay u cadaynayso shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland iyo wadamada deeq bixiyaasha ee Soomaaliya taageera in Wasaaradda Kalluumaysiga DFS ay doonayso inay meel mariso Sharci ay ku sheegtay SHARCIGA HORMARINTA IYO MAAREYNTA KALLUUMAYSIGA SOOMAALIYEED kaasi oo ah mid khilaafsan Dastuurka DFS. Qodobkiisa 44-aad ee qeexaya qaybsiga khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan Dastuurka Puntland iyo kan DFS. sidaa awgeedna ay wasaaraddu uga digayso madaxda wasaaradda Kalluumaysiga DFS Siyaasadaynta mashruucyada horumarineed ee dalka iyo ku xadgudubka xeerarka iyo shuruucda dalka.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.