Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka been-abuurka ah ee Somaliland ka faafiso dhulka SSC-Khaatumo oo ku saabsan in degaannadaas ay argagixiso ka jirto.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u caddeeyay in aysan waxba ka jirin wararkaas been-abuurka ah ee Somaliland ku sumcad-dilayso dadka SSC-Khaatumo.
“Argagixiso kama jirto Laascaanood iyo guud ahaan SSC midna, asalna uma lahan. Keliya Somaliland ayaa diiddan in dadka dhulka leh ay aayahooda ka tashadaan; waana sababta ay Somaliland u xasuuqayso shacabka Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash.
Waxa xusid mudan in muddooyinkii u danbeeyay Somaliland faafinaysay wararka la xiriira in magaalada Laascaanood ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid Somaliland ka hoos qaadday been-abuurkaas.
