Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey madaxda DF iney ka dambeeyeen baaqashada shirkii ay galabta u balansanaayeen madaxda shanta dowlad goboleed iyo beesha caalamka, kaaso ka dhici lahaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay beesha caalamka ayaa la doonayey in heshiis looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo shirka wadatashiga DF iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay is hortaagtay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada inay ka soo qeyb galaan shirkii loo balansanaa ee Beesha caalamka iyo Dowlad Goboleedyada.

“Shirkii loo ballansana galabta ee u dhexeeyay Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka wuu baaqday kadib markii DFS ay ka joojisay qaar ka mid ah Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah DFS inay Shirka tagaan” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Afhayeenka Madaxtoyada dowlad goboleedka Puntland Jaamac Deberani ayaa isna talaabo aan wanaagsaneyn ku sifeeyey ficilka ay ku dhaqaaqday DF.

“Tani waa tillaabo aan wanaagsanayn oo Dowladda wakhtigeedu dhammaaday, ay ku doonayso inay ku carqaladayso wax kasta oo lagu xalinayo caqabadaha hortaagan inuu qabsoomo Shirkii loo balansanaa ee arrimaha doorashada, si dhameystiranna looga wada qeybgalo” ayuu yiri afhayeenka, mana jiro War ku saabsan eedeyntan oo ka soo baxay dowlada Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here