Puntland ayaa diiday in ay maanta tagaan Garoowe, xubno katirsan Golaha Wasiiradda oo ay horkacayso Gudoomiye kuxigeenka Golaha shacabka Federaalka Sacdiya Salaad, ayna kujiraan xubno katirsan golaha xukuumadda.

Puntland ma aysan bixin, faahfaahin dheeraad ah oo kuwajahan joojinta wafdigan, balse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay sheegen ay tahay in xubnaha qaarkood katirsan yihiin kooxda Isku raranka ah ee Madaxweyne Xassan Sheekh ee UPD.

Advertisement

Gudoomiye kuxigeenka golaha shacabka ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu isagu amarka baxshay, taas oo iyada loola dan leeyahay.

Waa markii 2-aad oo gudoomiye kuxigeenkan laga cesho Puntland, kal hore iska horimaad ka dhacay Boosaaso, sabab la xariirta isku qabsi la xariira buskutka Nafaqeynta Caruurta (Buskud-Dhiiq) oo ay wadey ayaa galaaftay 18 qof oo dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here