Puntland oo ka hadashay deegaanka ay la wareegeen Al-Shabaab

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa la sheegay in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay la wareegeen,isla markaana ay fariisimo ka sameysteen Xaafado katirsan deegaanka Gacan-maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Sarkaal katirsan Ciidamada Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa xaqiijiyey inay Shabaab la wareegeegeen deegaanka Gacan-maroodi ee Gobolka Sanaag,isla markaana sidoo kale Bulshada deegaanka dhankooda shaaciyeen.

Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka, Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo la hadlay mid kamid ah Warbaahinta ka howlgasha deegannada Puntland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gacan ka helayaan Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in deegaannada Shabaab la wareegeen ee Gobolka Sanaag ay deegaan ahaan maamulaan Soomaaliland,isla markaana ay xogo ka helayaan dadka deegaannada Gobolka Sanaag.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064