Puntland oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray xiisadii ka taagneyd Boosaso

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso iyo Sidda loogu guuleystay in lasoo Afjaro.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland sheegay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen.

Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mudadii ay ku sugnaayeen.

Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Ciidankii Magaalada Boosaaso xoogga kusoo galay ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Carmo oo markii hore ay ka yimaadeen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064