Garowe:- 28/03/2021:-

Waxaa maalintii labaad ka socda guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalada Garowe tallaalka Covid19 oo shalay laga daahfuray.

Waxaa Garowe maanta tallaalka ka qaatay siyaasiyiin, Isimo,Professor Jaamacadeed iyo Saraakiisha ciidamada qaarkood.

Waxaa maanta tallaalka qaatay Dr Abdirahmaan Mohamed Mohamuud Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland, Gudoomiyaha Jaamacada Puntland State University Mohamuud Shiikh Hamud, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, iyo Garaad Saleebaan Buraale.

Waxaa sidoo kale tallaalka maanta uu ka socdaa inta badan degmooyinka Puntland, waxaana bushada ay safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada tallaalka.

Tallaalka wajigiisa koowaad ayaa socon doona 10 maalmood waxaana dadka talaalka qaata wajiga labaad talaalka qaadan doonaa bisha May ee Sanadkan 2021.

Dhamaanteen aan ka badbaadino nafteena iyo nafta dadka kale COVID-19 ee fadlan Xiro af xirka (Facemask), Gacamahaagan si joogata ah ugu dhaq shaambo ama saabuun, Dadka kale u jirso masaafo 1 mitir ah sidoo kale qaado Tallaalka COVID-19 oo kordhi difaaca jirkaaga.

Dhamaad .
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here