HomeWarkiiPuntland oo shaacisay inay maanta la wareegtay Talis ciidan oo ku yaalla...

Puntland oo shaacisay inay maanta la wareegtay Talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo

WAR-SAXAAFADEED

Carmo, Agoosto 08, 2026: Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo degaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada.

La wareegista taliska ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Dawladda Puntland ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dawladda Puntland.

Dawladda Puntland waxay caddeyneysaa inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -