Kadib howlgal qorshaysan oo Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ka sameeyeen Dhulka buureyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay inay ku qabteen ajaanib ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu ka dhacay buuraleyda Camaamo ee degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari, kadib xog ay ka heleen dadka Shacabka ah.

Advertisement

Warbixin ayaa lagu caddeeyay in xubnaha Howlgalka lagu qabtay uu ku jiro Maxamed Ibraahim Daaha islamarkaana ay u dhasheen dalalka Suuriya iyo Suudaan.

“Waxay ciidanka Booliska Puntland gacanta kusoo dhigeen Ajaaniib u dhashay dalalka Suudaan iyo Sayria uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo lagu burburinayo Xubnaha Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Gobolka Bari, kuwaas oo mararka qaar weeraro geysta.

Dhowrkii sano ee la so dhaafay dowlad Goboleedka Puntland ayaa dagaal adag waxaa uu kula jiray Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaas oo badi ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee gobolka bari, iyaga oo weeraro ka geysta meelo kamid ah gobolkaas.

Previous articleFaah faahin dagaal ka socda duleedka magaalada Laas-Caanood
Next articleCiidamada Ammaanka DFS oo kordhiyay howlgallada lagu sugayo Amniga Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here