GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Shir la sheegay in looga hadlayo arimaha horumarinta bulshada laguna qaban lahaa Magaalada Gaalkacyo danka Puntland ayuu hakiyay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade kadib markii uu si cad u sheegay inay uga shakisan yihiin in Dowlada Somaliya ku lug leedahay oo ay iyagu soo qaban qaabiyeen.
Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade wuxuu ku sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay Gaalkacy ineysan marna aqbali karin shir siyaasadeed oo ay ku lug leedahay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
“ma aqbali karno shir siyaasadeed oo Faderalku dabada ka riixayo islamarkaana aan lagala tashan maamulka Gobolka Mudug islamarkaana aan dan u ahayn guud ahaan xasilloonida dadkeena”ayuu yiri Gudoomiye Faysal Jifo-Jabsade.
Gudoomiyaha oo ka hadlayay waxa ay u diidan yihiin shirkaan ayaa carabka ku adkeeyay in iyaga ka maamul ahaan ay u cadaatay in shirkaani yahay mid siyaasadeed oo Dowlada Somaliyeed ka danbeyso sidaas daraadeed aysan ogoleyn inuu qabsoomo.
“haddii uu yahay Shir horumarineed waan rabnaa oo anagaa diyaar u ah ha naloo keeno ajandaha shirka ku saansan yahay anagaa maamulka Gobolka laakiin taasi way diideen sidaa daraadeed magaalada laguma qaban karo mana oggolin shir nuucaas ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Qorshaha Dowlada mar uu ka hadlayay ayuu gudoomiyuhu xusay in Madaxweyne Xassan doonayo inuu xildhibaano isaga taageersan ka raadsado deegaanada ay maamulaan”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
