HomeWarkiiPuntland oo sii deysay kalumeysato reer Yemen ah

Puntland oo sii deysay kalumeysato reer Yemen ah

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa la soo sheegayaa inay xabsiga ka sii daayeen 26 kaluumeysao oo u dhashay dalka Yemen  kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay u xirnaa Maamulka Puntland.
Kaluumeysatadaan reer Yemen ayay ciidamada Puntland qabteen bishii hore ee May xili ay si sharci daro ah uga kaluumeysanayeen xeebaha Gobolka Bari ee Puntland,waxaana wararka sii deyntooda la xiriira ay sheegayaan in la xaliyay eedihii loo heystay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu lacag ganaax ah ka qaaday milkiilaha iska leh doonida ay la socdeen kaluumeyataan reer Yemen ee lagu qabtay iyagoo bada somalia si sharci daro ah uga kaluumeysanayan.
Lacag dhan 44 klun oo ganaax ah ayaa la soo sheegayaa in laga qaaday milkiilaha doonta sidaasna loogu sii daayay shaqaalaha reer Yemen iyo diinidaba.
Maaha markii ugu horeysay oo maamulka Puntland uu qabto kaluumeysato ajaanib ah oo badda Somalia ku soo galay si sharci daro ah hadana kaluunkii inta mashiino u keensadeen xaalufinaya, ore ayaa dhowr mar sidaan oo kale loo qabtay kaluumeysato nuucaan ahaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -