Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Xukumanayaal ka tirsanaa Ururada Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku geyn 13 nin.

Fulinta toogashada ayaa ka kala dhacdey magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Bossaaso ee degaannada Puntland.

Advertisement

Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geystey xaafada Wadajir ee dhinaca Galmudug.

Garoowe waxaa lagu toogtey Shuceyb oo sanadkii 2016 lagu qabtey dagaaladi Ciidamada Puntland kula galeen degaannada Suuj, Garmaal iyo Kulub balse inti Cafis lo fidideyey kuso laabtey Garoowe isago dilal hor leh kasoo geystey magaalada Muqdisho.

Bossaaso waxaa lagu dilay mid kamid ah Shabakadihi dadka Reer Bossaaso madaxa u duuban jirey ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Alshabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.