HomeWarkiiPuntland oo war horu-dhac ah ka soo saaray arinta Markabka hubka siday.

Puntland oo war horu-dhac ah ka soo saaray arinta Markabka hubka siday.

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa war horu-dhac ah ka soo saaray arinta Markabka Sea World ee la sheegay inuu Muqdisho hub u siday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu shaaciyay warka horu dhaca ah.

Wasaaradu waxay shaacisay in marka ay qabteen ee hubka siday  uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland.

“Iyadoo Wsaaraddu ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland,isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (𝐈𝐒𝐈𝐒), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonta marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub”ayas lagu yirj warsaxaafadeedka

Sidoo kale Maamulka Puntland wuxuu sheegay inay ka go’an difaaca baddooda ammniga  iyo ilaalinta xuduudahooda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -