Waxaa mar kale la soo cusbooneysiiyay hadal heynta ah suurtagalnimada in Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay qaado dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Ruushka Putin iyo Hogaamiyaha Israa’iiliyiimta Netanyahu.
Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa warbaahinta dunida qaarkood soo xiganayaan inuu sheegay xiligaan inay suragal tahay in maxkamaddu dacwad ku qaado Putin iyo Netanyahu.
Labada masuul waxay ku eedeysan yihiin dagaalada ay hormuudka ka kala yihiin ee ka kala socda Ukraine iyo Falastiin xili shacabka labadaasi dal uu ku socdo xasuuq ba’an taasoo dunidu aaney indhaha ka laaban karin.
Dadka ugu badan ee siyaasada taxliiliya waxay aaminsan yihiin in Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICCÂ aysan awoodin inay dacwad ku qaadaan xitaa maxkamada keeni karin Putin iyo Netanyahu.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

