MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga bilowday qaadashada kaararkii doorashooyinka lagu geli lahaa xili bisha danbe ay dhaceyso doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dadka kaararka qaadanaya waa kuwii dhawaan is diiwaan geliyay kuwaasoo Dowladu ku sheegtay ku dhawaad 1 Milyan dad ah oo ku kala dhaqan Degmooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo degmooyinkuna u kala dad badan yihiin sida ay u kala baaxad weyn yihiin.
Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka, Duqa Muqdisho iyo ku xigeenkiisa ayaa dhamaantood hadalo kooban waxay ka jeediyeen daah-furka maanta loo sameeyay bilaabashada kaararka doorashooyinka iyadoo dadweynaha qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin markii ugu horeysay mudo nus qarni kadib inay u codkooda ku dooran doonaan masuulkii ay rabaan.
Dadweynaha ayaa la arkayay iyagoo safaf dhaadheer u galay qaadashada Kaarka Codbixinta Doorashooyinka xili maanta la sheegay in ilaa 7 Degmo laga bixinayay kaararkaasi halka kuwa kalana beri laga qaadan doono insha allaah.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in maanta ay tahay taariikh qormeysa madaama shacabka Muqdisho ay maanta markii ugu horeysay qaadanayaan kaararka ay ku codeyn lahaayeen
“Maanta waa maalin weyn oo 57 sano kadib ay shacabka Gobolka Banaadir ay qaadanayaan kaararkii ay ku codeyn lahaayeen.” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka.
Sidoo kale Duqa Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka inay qaataan kaarka codbixinta si ay ugu doortaan masuulka ay rabaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM










