Hooyada dhashay IKaan Tahliil oo ay dishay hay’adda NISA ayaa gaashaanka u daruurtay Warqad Wiifto ah oo ka soo baxday Villa Somaliya.

 

Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa ku tilmaantay Warqada uu soo saaray Madaxweynaha  waqtigiisa dhamaaday mid lagu qoslo.

“Guddigan waa qiyaamo Farmaajo damacsan yahay in eedeymaha looga leexiyo shaqsiyaadka dilay gabadheyda, kumana kalsoonaan karno, dadkii dilayna Ikraana cadaalad kama sugeyno” ayey tiri Ikraan Tahliil hooyadeed.

“Farmaajo shaqsiyaadka dilay gabadheyda  ee kala ah Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ayuu difaacay, xilal sarena u magacaabay, Guddigana waa talaabo kale oo uu doonayo inuu kiiska dariiqa saxda ah uga leexiyo, taasna nama mareyso” ayey tiri Maamo Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ugu baaqday Farmaajo inuu faraha kala baxo arrimaha gabadheeda, iyadoo sheegtay iney ku kalsoon tahay RW Rooble iyo heyadaha cadaalada dalka oo dacwadeeda ay horey ugu gudbisay.

Sidoo kale warqadan ka soo baxday Villa Somaliya ayaa ah mid ay dadka la yaabeen, maadaama Raisal wasaare Rooble uu u saaray in kiiskaan ay baaraan Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here