HomeWarkiiQaar ka mid ah ciidamada NISA oo lagu eedeeyay inay xaafadaha Muqdisho...

Qaar ka mid ah ciidamada NISA oo lagu eedeeyay inay xaafadaha Muqdisho ka geystaan tacadiyo 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa marar dhowr ah soo laab laabtay eedeyn loo jeediyay ciidamada Nabasd sugida NISA gaar ahaan dhalinyarada yar yar ee xaafadaha Muqdisho ka howlgala.

Ciidamada waxaa la soo sheegaya inay dhanka amniga aad ugu wanaagsan yihiin oo dhankaasi ay shacabku aad ugu amaanaan balse waxaa lagu eedeynayaa iney  si xun ula dhaqmaan dhalinyarada xaafada marka ay baarayaan oo ay mararka qaar ka shakiyaan.

Inta ay wadaan hubinta iyo baarista ayaa la sheegayaa inay tacdiyo kula kacaan taasoo sida inay ciqaabaan oo kale iyagoon dacwo ka gudbin ,maxkamad geyn oo aysan danbi ku cadeyn .

Tacadiyada waxaa ka mida inay u awood sheegtaan handadaan daqiiqado badan ku dhaganadaan,xitaa mararka qaarkood waxaa u dheer inay garaacaan taasoo aysan saraakiisa sare ee NISA waxba kala socon raalina ka ahayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -