Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kulmay laba ka mid ah mucaaradka samatabixinta ama Golaha Mustaqbalka kuwaasoo kala ah C/qaadir Cosoble Cali iyo Khaliif Macalin Nuur Maxamed Siyaad, waxaa xusid mudan in labada C/qaadir ka mid yihiin musharixiinta dooneysa kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha Soomaaliya.Labada Masuul waxay ka wada hadleen arimo ku saabsan doorashooyinka iyo asida loogu baahan yahay in heshiis lagu noqdo sida doorashooyinku u dhici doonaan taasoo qodobka ugu weyn ee mucaaradka iyo Dowladu isku hayaan xiligaan.
Siyaasi C/qaadir Cosoble Cali oo bartiisa Facebook ku shaaciyay kulankaan uu la qaatay Khaliif Macalin Nuur ayaa ka warbixiyay qodobada ay isla soo q aadeen wuxuuna u qornaa sidan:-
Maanta waxaan kulan qado-sharaf iyo xog-waran ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala-guurka, hubanti-la’aanta siyaasadeed, iyo mustaqbalka doorashooyinka la qaatey Musharrax Madaxweyne ahna Guddoomiyaha Xisbiga Samadoon, Khaliif Cabdulqaadir Moallim Nuur, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.
Kulanka waxaa si qoto dheer lhoosta laga wada xariiqay baahida loo qabo in la helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, loona diyaar garoobo doorasho ku dhacda waqtigeeda, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo faraaq dastuuri ah.
Ugu dambeyn, waxaa la isla adkeeyay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka Madaxweynaha iyo labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku dhacaan waqtigooda 15-ka May 2026, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed, sharciyad hay’adaha dowladda, iyo mustaqbal ku dhisan wada-tashi iyo mas’uuliyad wadajir ah.

















