MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku jira isbahaysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya xili uu sii dhamaanayo muda xileedka Madaxweynha Soomaaliya Xassan Sheekh lagana sugayo inuu qabto doorasho la isku raacsan yahay.
Siyaasiyiinta la hadal hayo ee manta Muqdisho ku soo laabanaya waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre kuwaasoo ay suurtagal tahay inay gudaha gar
Qaban qaabada soo dhaweynta masuuliyiintaan ayaa ayaa ka socota Magaalada Muqdisho,Xildhibaan, Sharif waxaa la sheegay inuu bilo dalka ka maqnaa balse waqtiga muda xileedka Madaxweyne Xasan oo yar darteed ayaa la hadal hayaa inay inta maqan degdeg ugu soo labtaan Xamar si ay u dar dar geliyaan mucaaradnimada ay kaga soo horjeedan Dowlada.
Shcabka shacabra reer Muqdisho waxay ka cabsi qabaan in marka uu dhamaado muda xileedka Madaxweyne Xasan sidii xiligii Farmaajo ay soo baxaan ciidankii la baxay bad-baado Qaran kuwaasoo dagaal kala hortagay Dowladii Farmaajo markii uu ku darsaday laba sano oo dheeraad ah,ugu danbeyn sanad sharci daro ah markuu dhameystay ayaa Farmaajo lagu qasbay inuu Doorasho qabto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
